Senator Axmed: Taliye Cirfiid wuxuu isku casilay amar diiddada Ciidanka Imaaraadka tababaray

2

Senator Axmed Xaashi Maxamuud, oo ka mid ah Golaha aqalka sare ee Soomaaliya ayaa sheegay in Taliyihii hore ee Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed Jen Axmed Maxamed Jimcaale Cirfiid uu isku casilay amar diiddo ay sameeyeen  Ciidamada uu tababaray Imaaraadka ee Muqdisho jooga.

Senator Axmed Xaashi Maxamuud,waxaa uu sheegay in Taliyaha uu isaga u sheegay in Ciidamada Imaaraadka tababaray ee ku sugan Muqdisho aysan ahayn Ciidan ka tirsan Taliska Milatariga Soomaaliya islamarkaana ay yihiin Ciidamo toos u hoostaga dalka Imaaraadka Carabta.

Askarta uu tababaray Imaaraadka ayuu sheegay Xildhibaanka in markii hore ay Xildhibaanno geysteen meesha oo ay qoreen islamarkaana iyaga uun dib loogu celinayo.

Ciidamadan ayuu shaki ku geliyay in ay dalka ku qabsaneyso Imaaraadka iyo inkale waxaana uu su’aalo badan ka weydiiyay dowladda sida Ciidamada aan ka tirsaneyn Milatariga Soomaaliya ay uga howlgalayaan Somaaliya.

Taliyihii hore ee Milatariga Soomaaliya ayaa xilkaas iska casilay billowgii Bishan iyada oo aan la sheegin sababta iscasilaadda,waxaana hadda soo baxaya in ay sabab u tahay Ciidamada Imaaraadka oo Taliyaha lagu wargeliyay in aysan isaga hoos tagin sidaasna shaqada uga tagay.

Comments are closed.