Ra’iisul wasaare Kheyre oo ku Wajahan Magaalada Jowhar

0

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khare iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saakay waxa ay ku wajahan yihiin magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe, si uu uga qeyb galo xafladda Caleemo Saarka Madaxweynaha Hirshabeelle.

Sidoo kale Munaasabadda Caleemo Saarka Madaxweynaha Hirshabeelle waxaa ka qeyb galaya Madaxda Maamul Goboleedyada oo ay ka mid yihiin  Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas), Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf), iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan,.

Maxamed Shiine oo ka mid ah Guddiga qaban qaabada xafladda Caleemo Saarka Madaxweynaha Hirshabelle ayaa sheegay Madaxweyne Waare inuu ku sugan yahay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Jowhar halkaasi oo uu ku sugaayo madaxda imaanaysa.

Ammaanka magaalada Jowhar ayaa aad loo adkeeyay, waxaana wadooyinka waa weyn lagu arkayaa Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM, iyaga oo gawaarida dadweynaha ku baaraya barkontoroolada ku yaalla Jowhar.

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa 16-kii bishii September ee sanadkan waxaa lagu doortay magaalada Jowhar, kadib markii uu ka adkaaday Musharaxiintii uu la tartmayay.