Munaasabada Caleemasaarka Madaxweynaha Hirshabeelle oo maanta ka dhaceysa Jowhar

0

Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe maanta oo Isniin ah 23-ka October waxaa lagu wadaa in ay ka dhacdo Munaasabadda Caleemo Saarka Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Magaalada maalmahan waxaa ku sii qulqulayay Wafuud kala duwan oo Munaasabadda lagu casuumay, waxaana laga dareemayaa diyaar garow aad u balaaran.

Wufuud kala duwan oo qeyb ka ah Wasiiro Xukuumadda ka socda oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa lagu wadaa in ay maanta tagaan Jowhar, si ay uga qeyb galaan Munaasabadda.

Sidoo kale Munaasabadan waxaa lagu casuumay oo ka qeyb galaya sida uu qorshaha yahay Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada dalka iyo xubnaha Beesha Caalamka.

Ammaanka magaalada Jowhar ayaa aad loo adkeeyay,  waxaana wadooyinka waa weyn lagu arkayaa Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM, iyaga oo gawaarida dadweynaha ku baaraya barkontoroolada ku yaalla Jowhar.

Madaxweynaha la Caleema Saarayo ee Waare ayaa waxa uu yahay Guddoomiye ku xigeenka Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada (GIDG, kadib markii loogu doortay kulankii dhawaan ka dhacay Kismaayo.

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa 16-kii bishii September ee sanadkan waxaa lagu doortay magaalada Jowhar, kadib markii uu ka adkaaday Musharaxiintii uu la tartmayay.