Gaalkacyo: Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay rasaas laga maqlay magaalada

0

Ugu yaraan hal qof oo Haweeney ah ayaa la xaqiijiyay in ay dhimatay sidoo kalena uu dhaawac soo gaaray Wiil dhallinyaro ah kaddib markii Ciidamada Maamullada Puntland iyo Galmudug ay rasaas isku rideen Suuqa Barwaaqo ee Magaalada Gaalkacyo.

Ilo kala duwan oo ku sugan Gaalkacyo ayaa xaqiijinaya in qoryaha waaweyn ee Suugga uu ka mid yahay la isku riday islamarkaana uu khasaare nafeed geystay.

Rasaasta ay isku ridayeen labada dhinac ayaa sababtay dhimashada Haweeney ka mid ahayd Xaafadda Garsoor ee Magaalada Gaalkacyo gaar ahaa suuqa Barwaaqo la yiraa oo ku dhow goob Hubka lagu kala iibsado.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Ciidamada Labada dhinac ay saaka rasaas is dhaafsadeen,islamarkaana ay  suuragal tahay in dhinaca Waqooyiga uu khasaare jiro.

Shalay ayey ahayd markii Ciidamo kala taabacsan labada Maamul oo ku dagaallamay Bariga Gobolka Mudug ay ku dhinteen ugu yaraan 10 Qof iyada oo tiro kalena ay ku dhaawacmeen.