DHAGEYSO+SAWIRRO:- Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya Sareeye Gaas Cabdiwali Gorod oo la kulmay Taliyaha AMISOM .

0

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Sareeye Gaas Cabdiwali Jaamac Xuseen (Gorod) iyo Saraakiisha ugu sareysa Ciidanka AMISOM oo uu ka mid yahay Taliyaha Ciidamada AMISOM ayaa maanta waxa ay kulan ku yeesheen magaalada Muqdisho, gaar ahaan xarunta ugu weyn AMISOM ee Xalane.

Labada dhinac ayaa waxa ay isla soo soo qaadeen xilka cusub ee uu la wareegay Taliye (Gorod) iyo sida ay howshu u socoto, ka bixitaanka Ciidanka AMISOM ee Soomaaliya 2018-ka iyo dhacdadii Zoobe sida Dowladda ay jawaab uga bixineyso.

Taliyaha AMISOM General Subagle ayaa ugu hambalyeeyey Taliyaha cusub ee Xoogga dalka xilka culus ee loo magacaabay, wuxuuna cadeeyey in AMISOM ay diyaar u tahay sii xoojinta wada shaqeynta ka dhaxeysa labada dhinac.

 

 

 

 

HOOS KA DHAGEYSO