DHAGEYSO WAREYSI : Ciidamo Ka Kala Tirsan Maamullada Galmudug Iyo Puntland Oo Isku Rasaaseeyay Gaalkacyo.

0

Wararka laga helayo Gobolka Mudug ayaa sheegaya in ciidamo ka kala tirsan Maamullada Galmudug iyo Puntland ay maanta isku rasaaseeyeen Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolkaasi Mudug.

Waxaana israsaaseyntu ay ka dhacday Suuqa weyn ee bartamaha Magaalada Gaalkacyo, kadib markii ay isku dhaceen ciidamada Galmudug iyo Puntland ee ku sugan Magaaladaasi.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in khasaaro uu ka dhashay Israsaaseyntaasi, balse aan la ogeyn inta uu la egyahay.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay Maamullada Galmudug iyo Puntland oo ku aadan shaqaaqadaasi.

Dhinaca kale Guddiga Nabadeynta ee Galmudug iyo Puntland ayaa ka hadlay dagaal shalay ka dhacay Bariga Gobolka Mudug, kaas oo u dhexeeyay maleeshiyaad kala taabacsan Maamulladaasi.

Waxaana ayaan daro ay ku tilmaameen in markale dagaallo ay ku soo noqdaan Gobolkaasi, xilli heshiisyo labada dhinac ay ka gaateen Nabadda Gobolka Mududg.

Shalay ayaa waxaa maleeshiyaad kala taabacsan Maamullada Galmudug iyo Puntland ay ku dagaalameen deegaano ka tirsan Gobolka Mudug, kuwaas oo ay ku dhinteen 6 Qof, oo shacab ahaa, kuna dhaawacmeen 10 kale.