DHAGEYSO WAREYSI : Aqalka Sare oo Guddi u saaray Khilaafka dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.

0

Xildhibaanada Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa soo gaba gabeeyay dood ku saabsan khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Kulanka maalintii labaad ay yeesheen Xildhibaanada Aqalka sare ayaa waxaa shir guddoominayay Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Aqalka sare Senator Abshir Bukhaari.

Qaar ka mid ah Senatora-da Aqalka sare ayaa labadii maalmood dooda ay yeelanayeen aheyd mid aad u xasaasi ah, isla markaana ay ka muuqatay kala aragti duwanaan ku aadan qaabka khilaafka u bilowday iyo qaladaadka ku jira dastuurka oo sal u ahaa khilaafka iyo qodobo kale.

Senotor Maxamuud Axmed Mashruuc ayaa sheegay in aan la joohin xilligii laga hadli lahaa yaa qaldan iyo yaa saxan, isagoo xusay in loo baahan yahay in xal laga gaaro

Zamzam Daahir Maxamuud oo iyana ka hadashay kulankii maanta ayaa sheegtay in Dastuurka waxyaabaha ku qoran aanay is waafaqsanaayeen, isla markaana qodobo qaar iska hor imaanayaan, waxaa ay xustay in la kala caddeeyo qodobada iyo mas’uuliyadaha ay kala leeyihiin dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Senator Yuusuf Geelle Ugaas ayaa soo dhoweeyay tanaasulaada uu sameeyay Madaxweyne Farmaajo, isla markaana 28-ka bishan ku casuumay Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada inay Muqdisho shir isugu yimaadaan.

Ugu dambeyn Guddoomiye kuxigeenka Aqalka sare Abshir Bukhaari ayaa sheegay in doodii labada maalmood socotay ay aheyd mid aad u qiimo badneyd, isagoo tilmaamay in khilaafka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada xalinteeda ay guddi u xilsaarayaan, si ay qoraal ula tagaan kulanka 28-ka bishan la filayo in uu dhex-maro madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada.