DHAGEYSO:- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ”Waa U Diyaar Garoownay Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab”.

0

Sareeyo Gaas Cabdiweli Jaamac Xuseen (Gorod) taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa Marka hore Shacabka Sooamaliyeed uga tacsidayeeyay dadkii ay waxyeealda ka soo gaartay qarixii khasaaraha badan dhaliyay ee 14 Bsihaan ka dhacay gudaha Magaalada Muqdisho.

Gen. Cabdiweli Jaamac Xuseen (Gorod) ayaa hadalkiisa intaas ku daray in ay ciidamada xoogga dalka Sooamaliya diyaar garoobeen iyaga oo ka jawaabaya hadalkii Madaxweyne Farmaajo ee ahaa howlgal ka dahn ah Al-Shabaab.

Dhinaca kale Waxa uu sheegay in Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ay diyaar u yihiin in ay dalka ka xureeyaan waxa uu ku sheegay cadaw dalka dhibaato ku haya.

Isku soo wada duuboo dhamaan Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo Madaxda ugu sareysa dalka ay Go’aamiyeen in la bilaabo dagaal ka dhan ah Al-Shabaab iyada oo Madaxweyne Farmaajo uu Arbacadii la soo dhaafay iclaamiyay weeraro lagu qaado Goobaha ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

 

 

HOOS KA DHAGEYSO