DHAGEYSO:- Maxamed Xaashi Cabdi ” Cabdiweli Gaas iyo Axmed Madoobe faraha hakala baxaan arrimaha u dhexeeya reer Galmudug”

0

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey) ayaa wuxuu eedeeyay Madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Jubbaland, oo uu sheegay inay dhibaato ku hayaan Galmudug.

Maxamed Xaashi (Carabey) ayaa Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ku eedeeyay in labadan maamul ay ka shaqeynayaan sidii khilaafka ka dhextaagan Madaxda Galmudug dusha uga saari lahaayeen Dowladda Federaalka.

Dhinaca kale Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa sheegay muhiim in ay tahay khilaafka Galmudug ka dhexjira in loo madax banaaneeyo shacabkeeda iyo Madaxdeeda, si aayahooda ay uga tashadaan, balse ay faragelin ku hayaan Puntland iyo Jubbaland.

 

 

 

HOOS KA DHAGEYSO