DHAGEYSO : In Ka Badan 10 Qof Oo Lagu Dilay Rabshado Ka Dhacay Dalka Ethiopia

0

Deegaanada Oromada oo looga bartay in ay ka dhacaan baanaanbaxyo looga soo hor jeedo dowladda Ethiopia ayaa hada yeeshay waji cusub, iyagoona is ku badalay daagaallo qabaa’il ah oo u dhexeeya Qowmiyado ka wada tirsan dowladda Ethiopia.

Waxaana is ku dhacyadii u dambeeyay ku dhintay 8 Oromo ah iyo 3 Amxaaro ah, kuwaasi oo ku dagaalamay qeybo ka mid ah dalkaasi Ethiopia.

Afhayeeno u hadlay Oromada iyo Amxaarada ayaa midba midka kale ku eedeeyay in uu ka dambeeyo rabshadahaasi.

Arrintani ayaa salka ku heysa khilaaf dhinaca ganacsiga ah, iyadoona gawaari siday shixnado ganacsi ay kala gubeen labada dhinac.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ra’iisul wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn oo ku aadan dagaalkaasi.

Balse dhawaan ayey ahayd markii dagaal uu dhexmaray Qowmiyadaha Oromada iyo Soomaalida ee dalkaasi Ethiopia, kaas oo ay ku dhinteen dad ka badan 50 Qof, kuna dhaawacmeen tiro intaasi ka badan.