DHAGEYSO:- Guddoomiyaha Kaxda oo shaaciyay inta qof ee degmadiisa uga geeryootay Qaraxii Zoobe

0

Waxaa weli muuqata saameynta uu reebay Qaraxii lagu dhamaaday ee 14-kii bishan maalin Sabti ah ka dhacay isgoyska Zoobe, kaasi oo uu fuliyay Ismiidaamiye kaxeynayay Gaari xamuul (TM) ah.

Qaraxan ayaa galaaftay nolosha in ka badan 350 qof, halka ay ku dhaawacmeen 228 ruux, sida lagu sheegay xigtii ugu dambeysay oo Dowladda Federaalka ay soo saartay.

Xog uruurin la sameeyay ayaa waxa ay ku ogaatay dadkii ugu badnaa ee Qaraxa uu waxyeeleeyay in ay ahaayeen dad danyar ah, oo raadsanayay nolol maalmeedkooda ay ku maareeyaan qoysaskooda.

Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxa ay wadaan tira koob ku aadan inta qof ee degma walba uu ka saameeyay Qaraxaasi, iyada oo howshaasi ay ku dhowdahay gaba gabo.

Guddoomiyaha degmada degmada Kaxda ee gobolka Banaadir Maxamed Ismaaciil C/laahi ayaa waxa uu sheegay Qaraxaasi dadkii ku dhintay in ay ka mid ahaayeen 39 qof oo degaan ahaan ka soo jeeday degmada Kaxda, halka dhaawacana uu yahay 14 qof, kadib tira koob ay sameeyeen oo ay ku ogaadeen.

Wuxuu kaloo inoo sheegay Guddoomiye Maxamed Ismaaciil dadka ku dhintay Qaraxaasi ee ka soo jeeday degmadiisa in ay ahaayeen dad danyar ah oo qabsan jiray shaqooyin yaryar oo ay ka mid ahaayeen ka ganacsiga Cadayga, ilmaha yaryar ee kabaha dadka u maraya, dad xoogooda ku xamaalan jiray iyo waxyaabo kale.

Qaraxii Zoobe ayaa ninba wuxuu u jiiday dhankiisa, tusaale Dowladda Soomaaliya masuuliyiin u hadashay waxay Qaraxan ku eedeeyeen in ay ka dambeeyaan Al-Shabaab, Qadar bayaan ay soo saartay waxay farta ku fiiqday Sacuudiga iyo Imaaraadka oo ay sheegtay in Dowladda Soomaaliya ay uga aar gudanayaan dhex dhexaadnimadii khilaafka khaliijka.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO