DHAGEYSO : Dowladda Uganda Oo Ciidamo La Dagaalamo Al Shabaab U Soo Direyso Soomaaliya.

0

Dowladda Uganda ayaa shaacisay in ciidamo milateri oo si gaar ah u tababaran ay dhawaan u soo diri doonto Soomaaliya, kuwaas oo ay sheegtay in ay fulin doonaan howlgallo ka dhan ah Al Shabaab.

Brig Kayanja Muhanga oo ka tirsan saraakiisha milateriga ee dalka Uganda ayaa xusay in ciidamadaasi ay howlgallo qorsheysan ka fulin doonaan goobaha ee Al Shabaab kaga sugan yihiin Koonfurta Soomaaliya.

Madaxweynaha Uganda Yuweri Museveni ayaa sheegay in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay kala shaqeyn doonaan la dagaalanka Xarkada Al Shabaab oo dagaal xoogan kula jira ciidamada dowladda iyo AMISOM.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulalahi Maxamed “farmaajo” ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al Shabaab, kadib qaraxii xooganaa ee 14 kii bishan ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Waxaana Uganda ay sheegtay in dowladda Soomaliya ay ka gacan siin doonto sugida amniga dalka oo ay weli ka jirto xaalad ammaan daro.