WAR DEG DEG AH:- Ku dhawaad 5 askari oo ku dhintay iska horimaad ka dhacay Magaalada Muqdisho

0

Waxaa Magaalada Muqdisho ka dhacay iska horimaad geystay khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, taasi oo u dhaxeysay Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Iska horimaadkan oo khasaaraha badan uu ka soo gaaray Askarta Dowladda ayaa waxuu dhexmaray Ciidamo kala taabacsan Taliyaha Nabad Sugida iyo Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho.

Ugu yaraan 3 Askari ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen, labo kalena uu dhaawac ka soo gaaray israsaaseyntii ka dhacay Degmada Yaaqshiid.

Wararka ayaa sheegaya in labada dhinac ay isku dhaceen kadib markii uu murun soo kala dhex galay Taliyaha Ciidamada Nabad Sugida iyo Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

Ilaa iyo hada majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha amaanka iyo kuwa Maamulka Degmada Yaaqshiid oo ku aadan iska horimaadkii ka dhacay Caasimada Soomaaliya.