DAAWO: Soomaalida ku nool KANADA oo u soo gurmanaya dadkii ku waxyeeloobay Qaraxii ZOOBE

0

Iyadoo boqolaal ruux oo Soomaali ah oo ku dhaawacmay Weerarkii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Magaalada Muqdisho, ayaa Soomaalida ku nool Dunida dacaladeeda waxey bilaabeen in ay gurmad dhaqaale u raadiyaan dadkaasi dhibaateysan.

Magaalada Ottawa ee Dalka Kanada ayaa waxaa isugu soo baxay boqolaal Soomaali ah, kuwaasi oo durbaba bilaabay in ay iska uruuriyaan dhaqaale wax loogu qabanayo dadkii dhawaan wax yeeloobay Magaalada Muqdisho.

Ku dhawaad 200 oo ruux oo Soomaali ah ayaa isugu yimid Hool ku yaalla Magaalada Ottawa, waxaan halkaasi ay ka bilaabeen dhaqaale uruurin loo sameynayo dadkii ay waxyeelada ka soo gaaray Qaraxii Muqdisho.

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada, sida Twitter-ka ayaa muujinay gurmad dhaqaale oo loo sameynayo dadkaasi.

Waxaa sidoo kale dadkii halkaasi isugu yimid ka muuqatay dareen murugo leh oo ku aadan xasuuqii ka dhacay Caasimada Soomaaliya.

Sikastaba, Tobanaan ka mid ah dadkii ku dhaawacmay Magaalada Muqdisho ayaa loo duuliyay dalal dhowr ah, si loola tacaallo xaaladooda cafiimaad.