DAAWO SAWIRADDA : Madaxweynha JFS oo si diirran loogu soo dhaweeyey Addis-ababa.

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo socdaal ku marayaa qaar ka mid ah wadamada dariska ah ayaa gaaray magaalada Addis-ababa ee Xarunta dalka Itoobiya.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Addis, musiiliyiin uu horkacaayo Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Itoobiya Mudane Workneh Gebeyehu.

Madaxweyne Farmaajo oo la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay in safarkiisa uu salka ku hayo sidii loo dar-dar gelin lahaa dagaalka ka dhanka argagixisada isla markaasna loo midayn lahaa qorshayaasha wadamada geeska Afrika ee ay ku wajahaayaan ka hor-tagga khatarta argagixisada.

Saacadaha soo socda waxaa kulan gaar ah yeelandoona Madaxweynaha Soomaaliya iyo Raiisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn iyadoona ay si qoto dheer uga hadli doonaan xiriirka iskaashiga ee labada dal gaar ahaan dhinacayda la xiriira dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.

Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu xaqiijiyey in uu gaaridoono dalka Jabuuti si madaxda dalkaas ay isaga waraystaan amniga Gobolka, isaga oo hordhigidoona muhiimadda ay leedahay in la dar dargeliyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab.