Qaar ka mid ah Eheladda wiil dhalinyaro ah oo la sheegay in lagu dilay Shalay degmada Hilwaa ayaa diiday in la aaso wiilkaasi, maadaama ay sheegeen in si kas ah wiilkooda loo dilay.
Eheladda waxa ay sheegeen in wiilkooda ay dileen ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan Saldhiga degmada Hilwaa.
Dilka ayaa yimid ka dib markii wiilka la dilay oo lagu magacaabi jiray Abshir Cabdullaahi ay soo waceen Ciidamada Booliska saldhigna ayna u sheegeen in dambi loo heysto Markii uu yimid Abshir, ayaa waxaa loo sheegay in uu maqan yahay qofkii soo dacweeyay, islamarkaana uu sugo inta uu imaanaayo, Abshir ayaa arintaasi diiday , waxaana la sheegay taliyaha Saldhigga in uu amray hadii uu baxo Abshir in la toogto.
Eheladda waxa ay sheegeen in hadda uu ku jiro qaboojiye,islamarkaana aan la aasi doonin tan iyo inta Cadaaladda la horkeenaayo cidii falkaasi ka dambeysay.
HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO