DHAGEYSO KHUDBADO : Xildhibaanada Aqalka Sare oo Si kulul ula Hadlay Dowlad Goboleedyada.

0

Xildhibaannada aqalka sare ayaa maanta marka hore ka tacsiyeeyay dhibaatadii ka dhacday qaraxii isgoyska Zoobe iyaga oo intaasi kadib ka dooday khilaafka u dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.

Kulanka oo ay joogeen guddoomiyaha aqalka Cabdi Xaashi iyo ku-xigeenkiisa Abshir Maxamed Axmed(Bukhaari) ayaa Guddoomiyaha golaha Cabdi Xaashi waxaa uu ugu horeyn sheegay in aqalkan uu u xil saaran yahay dowlad goboleedyada iyo arrimaha federaalka isaga oo soo jeediyay in Xildhibaannada ka doodaan khilaafka u dhaxeeya dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyada.

“Waxaan rabnaa aqalkan isaga oo ah inuu xal u helo, oo labada dhexdooda taagay, in si fiican looga doodo, oo qof weliba fikirkiisa gaar u leeyahay ku hadlo, ka doodo, oo ay noqoto in aan ku dhaqaaqno wixii ka soo baxo..oo Khilaafka jira uu xal u noqdo.”.

Senator Xuseen Sheekh Maxamud Xuseen waxaa uu qabaa in dowlad goboleedyada ay iska qaraaban karaan“142 ayaa jirta oo Senator Jawaahir soo fiican u soo xigatay oo ka hadlaya dowladaha xubnaha ka ah dowladaha federaalka ah tii dastuur sii heysatay sii heysaneyso inta dib-u-eegista dastuurka la dhameynayo, tusaale aan soo qaadanno marka, Puntland dastuurkeeda qodobka 3aad, farqadiisa 3aad, maxay leedahay, Puntland waa state madaxbannaan ayey isku aragtaa, sidaas ayuu qorayaa, micnaha waxaa ay ka dhigan tahay, arrimaha dibadda ayey maamulaneysaa, resourcekeeda, waxaa ay sameysaneysaa wax walbo oo difaaceeda ah, dastuurka Soomaaliya ayaa u fasaxaya in ay sidaasi sameysanto..marka in dowlad goboleed la qabsado ma aha, meel lagu qabsan karo dowlad goboleed ma jirto, waa sharci in ay soo qaraabtaan”

Senator Cabdi Axmed Dhuxulow “Dheg-dheer” waxaa uu soo jeediyay in guddoonka ay saaraan dad dhex-dhexaad ah isaga oo arrintaasi ka hadlaya waxaa hadalladiisa ka mid ahaa “Dhibaato siyaasadeed oo dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada ka dhaxeeya ayaa taagan, iyaga ayaa qoraalkooda ku muujiyay, annaguna waan ognahay, oo iskama yeel-yeeli karno, sanco ayaan u baahannahay, waxaa ay ku imaanee, aniga ha la iiga reebo, waxaa la yiri, oday far ayaa ku godan, kuwoo badan oo far ku godan yahana inta ayey fadhiyaan, inta la baxdid dad nadiif ah, shaqada qeybteenna noo qaad, shaqada ay isku imaanayaan ayey qeybteena ku jirtaa, in dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe heshiiyaan waddanka ku socon karaa, madaxweynaha, ra’isul wasaaraha iyo xukuumadda iyo aqallada in gacmaha is qabsadaan ayaa lagama maarmaan ah”.