DHAGEYSO : Dowladda Thailand Oo Xabsiga Dhigtay Ku Dhawaad 10 Qof Oo Soomaali Ah

0

Dowladda Thailand ayaa Xabsiga dhigtay illaa 14 Oof oo Soomaali u badan, kuwaasi oo ku sugnaa Caasimadda dalkaasi ee Bangkok.

Ciidamada booliska ee dalkaasi Thailand ayaa xiray 14 Qof oo ay 7 ka mid ah Soomaali yihiin, halka kuwa kalena weli ay baadi goobayaan.

Ciidamada Thailand ayaa ka wada dalkaasi waxa loogu yeero Raaf oo ay ku qab qabanayaan dadka Ajaaniibta ah ee sida sharci darada ah ku galay dalkaasi.

Dadkani oo inta badan ka soo jeeda Qaaradda Afrika ayaa lagu qabtay Caasimadda Thailand ee Bangkok.

Dadka la xiray ayaa lagu eedeeyay in ay si sharci daro ah ay ku galeen dalkaasi Thailland.

Sidoo kale saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in ay jiraan dad kale oo ay weli ku raad joogaan, kuwaasi oo ku dhuumaaleysanayo qeybo ka mid ah Magaalada Caasimadda ah ee Bangkok.

Arrintan ayaa imaanyso, xilli ay ciidamada Booliska Thailand ay Xabsiga dhigeen, toddobadkan dad ka badan 50 Qof oo ka soo jeeda dalal dhowr oo Afrika ah, iyadoona la sheegay in dowladda Thailand ay si gaar ah u bartilmaadmeedsaneyso dadka Madowga ah ee ku sugan dalkeeda.