Waxaa mudo todobaad ku dhow kadib dib loo furay Goobtii qaraxa khasaaraha badan geestay uu ka dhacay ee Zoobe balse ay dowladda Soomaaliya ay u bixisay 14 Octoper.
Xalay waxaa ka guuray Wadadaas Ciidamada Nabad-Sugida Soomaaliya oo xiray kadib markii uu qaraxa dhacay,waxa ayna Wadada ka xirneyd Isgoyska Banaadir ilaa halka loo yaqaano laami yaraha.
Dhamaan waxaa la nadiifiyay Burburkii laamiga oo dayactir lagu sameeyay sidoo kale waxaa la qaaday qashinkii uu sababay qaraxaas taas oo keentay in ay Wadadaas xiranto.
Gaadiidka noocyadiisa kala duwan ayaa saakay sicaadi ah u isticmaalaya Wadada oo laga dareemayaa khasaaraha uu u geestay qaraxa dhismayaasha laamiga saaran ee Goobaha Ganacsiga.