TOP DHAGEYSO:- Maamulka Jubbaland oo ku Dhawaaqay in Dagaal la galayo.

1

Ciidamada Maamul Goboledka Jubbaland, ayaa la siiyay amar buuxa oo ku aadan qaadista dagaalka ka dhan ah  Al Shabaab, sida uu ku dhawaaqay Wasiirka amniga Maamulka Jubbaland C/rashiid Janan.

Wasiirka amniga Maamulka Jubbaland C/rashiid Xasan Cabdinuur (Janan) ayaa u sheegay ciidanka Jubbaland Gobolada ay joogaan inay u diyaargaroobaa qaadista duulaanka ka dhanka ah Shabaab.

C/rashiid Janan, ayaa tilmaamay in aanan la fiirsan karin dhibaatooyinka Ururka Al Shabaab ay ku hayaan shacabka Somaliyed, taasina ay keenayso in jawaab cad laga bixiyo si loogu aargudo shacabka Somaliyed ee ay dhibaateeyeen Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Ururka Al Shabaab, kadib markii Madaxweynaha Somaliya Farmaajo uu sheegay dalka inuu galaayo marxalad dagaal cusub ah.

HALKAAN KA DHAGEYSO

Comments are closed.