Dowladda Maraykanka ayaa la filayaa inay Door Taageero-siin ah ka qaadato Dagaalka cusub ee uu Madaxweyne Farmaajo.
Saraakiil ka tirsan Milliteriga Somalia, oo aan fasax u haysanin inuu la hadlo Warbaahinta ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka ee AP inay Milliteriga Maraykanka door muhiim ah ka qaadan doonaan Hawlgalka cusub ee Dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.
Milliteriga Maraykanka waxay shalay sheegeen inay dib u bilaabeen La-dagaalanka Alshabaab,
Saraakiisha faahfaahin kama bixinin doorka Milliteriga Maraykanak ka qaadan doonaa Hawlgalkaasi.
Taliska Ciiddanka Maraykanka ka joogo Qaaradda Afrika ee AFRICOM oo ay Wakaalladda AP wax ka weydiisay arrintaasi, wey ka gaabsadeen inay ka jawaabaan.
Tan iyo markii uu Madaxweyne Donald Trump la wareegay Talada waxa uu ansixiyey in la ballaariyo Hawlgalka ay Milliteriga Maraykanka ka fuliyaan gudaha Somalia.
Tan iyo bishii Janaayo ee sannadkan waxay Maraykanka ka fuliyeen Somalia ugu yaraan 19 duqeyn oo ay Diyaaradaha Drones-ka geysteen.
Duqeyntii u dambaysay waxay Isniintii hore ka fulyeen Degaan 35 KM dhanka K/Galbeed kaga toosan magaalladda Muqdisho.