DEG DEG: Mareykanka oo sheegay in duqeyn uu ku beegsaday Al Shabaab

1

Waaxda Difaaca ee Mareykanka ayaa war ka soo baxay waxaa lagu sheegay in weerar dhanka cika ahaa ay ku beegsadeen Xubno ka tirsan Xarakada Al Shabaab.

Weerarkan oo ay fuliyeen diyaaradaha nuuca drones-ka ayaa Mareykanka waxuu ku sheegay in lagu beegsaday Xoogaga Xarakada Al Shabaab oo ku sugnaa Degaan qiyaas ahaan 56km dhanka koonfur galbeed uga beegan Magaalada Muqdisho.

Warkii ka soo baxay Mareykanka ayaa lagu xusay in haatan ay socoto baaritaan ay ku hayaan weerarkaasi, islamarkaana ay dib ka soo sheegi doonaan khasaaraha ka dhashay iyo cida uu bartilmaameedku ahaa.

Waxaa bayaanka sidoo kale lagu xusay in weerarka uu jawaab u ahaa Qaraxii boqolaalka ruux ay ku dhinteen ee ka dhacay Caasimada Soomaaliya.

Sikastaba, Weerar duqeyn ah oo horaantii todobaadkan ka dhacay inta u dhaxeysa Bariire iyo Awdheegle ayaa waxaa ku dhaawacmay ugu yaraan 8 Ruux oo Shacab ah.

 

Comments are closed.