DHAGEYSO:-Meydad horleh oo laga soo saaray dhismihii ku burburay Qaraxii ZOOBE

0

Waxaa maanta Meydad horleh laga soo saaray mid ka ah mid dhismooyinkii ku burburay Weerarkii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Isgooyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Meydadkan ayaa laga soo saaray daarta Zoobe, waxaana lagu soo waramayaa in ay adag tahay in la aqoonsado meydadkan.

Sidoo kale waxaa maanta dib u dhis lagu bilaabay goobihii buburay iyo Laamiga Zoobe oo sameyn xoogan uu ku yeeshay qaraxii ka dhacay halkaasi.

Qaraxa Sabtidii ka dhacay Isgoyska Zoobe ayaa waxaa ku dhintay dad kor u dhaafaya 300 oo ruux, iyadoona ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan.

 

 

HOOS KA DHAGEYSO