Dhaliisha Mahad Salaad iyo xaqiiqda musiibada Zoobe: Ma xildhibaan mise hoggaamiye kooxeed.

0

Xildhibaan Mahad Salaad oo kamid ah Shakhsiyaadka kasoo horjeedo dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiye Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bartiisa Facebook kusoo qoray warbixin laga dheehan karay inteeda badan been abuur iyo waxyaabo xaqiiqda ka fog.

Haddaba anigoo ah qoraaga Warbixintaan, waxaan falanqeyn iyo xaqiiqo raadin ku sameeyey dhammaan waxyaabihii uu mahad Salaad soo qoray, waxaana qodob kasta ka sameeyey falanqeyn iyo waxa ka jiro.

Marka ugu horeyso waxaan idinla wadaagayaa qoraalka uu Mahad Salaad soo dhigay Bartiisa Facebook, waxaana markaas kadib uga hadli doonaa qodob kasta si gaar ah, anigoo weliba soo qaadan doono tusaalooyin iyo xaqiiqooyin aan aniga goobjoog u ahaa:

XASUUQII ZOOPE SU’AALO BADAN AYAA KASOO LAABTAY!

Maalin Sabti ah 14 bishaan ayay ahayd markii weerar argagixiso oo taariikhda Soomaaliya aan horay usoo marin lagu qaaday Hoteelo, Meherado Ganacsi iyo Goobo kale oo bulshadu ku kulanto. Dhacdadaas xanuunka badan marka la’eego sida wax u dhaceen iyo qaabka Dowlada Soomaaliya ula falgashay bilowgii dhacdadaas argagaxa leh iyo sida hada la rabo in loo maareeyo baaritaanadii ay ahayd in lagu sameeyo xasuuqaas waxaa kasoo ifbaxaya su’aalo badan oo shaki abuuraya oo ku xeeran Xasuuqii Zoope!

Markii qaraxu dhacay gurmad deg deg ah looma fidin dadkii dhaawaca ahaa si loo badbaadiyo nolashooda. Qaraxu waxa uu dhacay 3:15 galabnimo. Dab demiskii ugu horreeyayna waxa uu goobta qaraxa soo gaaray 4 saacadood kadib. Iyada oo in badan oo banaanada ku dhaawacmay iyo kuwii ay ku dumeen dhismayaashii ay ku qaylinayeen, na badbaadiya ilaa dabku jirkooda qabsaday kuna nafwaayeen halkaas!

Maalin sabti ah 14/10/2017, saacadu markii ay ahayd 3:15 galabnimo ilaa habeen isniinta ah 16/10/2017, saacadu markii ay ahayd 12:23 habeenimo dowlada Soomaaliya kama hadlin sida wax u dhaceen iyo baaxada qasaaraha dadka soo gaaray inta uu la’egyahay. Madaxweynaha waxuu tacsiidiisa ugu horreeyay diray markii dadku kala seexdeen oo la dhaafay 1:00 habeennimo oo ku beegan axad 15/10/2017. Waxay dad badan farriimo u direen Madaxweynaha iyagoo xusuusinaya in dhacdadii Lasvegas ee dalka Maraykanka uu ka tacsiyeeyay laba saac gudahood (maadaama uu haysto dhalasho Maraykan ah)!

Maalintii axadda ahayd 15/10/2017, warbaahinta dawlada iyo saaxiibadeeda Twitter ka iyo Facebook ga waxay ku celcelinayeen khasaaraha in lagu qiyaasayo ilaa 30 qof! Galabtii axadda ayaa anagoo ah Xildhibaano katirsan labada gole ee barlamaanka waxaan tagnay qaar kamid ah hospitaalada magaalada Mogadishu, waxaanan la wadaagnay bulshada Soomaaliyeed in waxa meesha ka dhacay ay tahay MUSIIBO QARAN. Dhimashaduna kor u dhaafeyso 230, dhaawacuna cagacageynayo ugu yaraan 300. Xildhibaannada laba gole ee goobaha caafimaadka tagay ayaa dadaal dheer u galay inay ku qanciyaan madaxda dawladda baaxadda muusiibadan iyadoo habeenkii isniintu soo galeysay 16/10/2017 markii dadku kala seexdeen oo saacadu ahayd 12:23 habeennimo ay Xukuumadu soo saartay warbixinteedii ugu horreysay ee ay uga hadasho qasaaraha dadka shacabka ah soo gaaray inta uu la’egyahay!

Sidoo kale qaraxu markii uu dhacday daqiiqado kadib wuxuu Twitter kiisa kusoo qoray Wasiirka Arimaha Dibada Qadar in weerarka lala beegsaday Safaarada Qadar, ayna soo abaabuleen dowladaha khaliijka ee go’doomiyay dowlada Qadar oo ka xun garab istaagii Soomaaliya garab istaagtay dowlada Qadar!

Hadaba waxaa isweydiin mudan:

– Aaway mas’uuliyiintii amniga u xilsaarnaa iyo saraakiishii hugaaminaysay ciidamada joogay isgoysyada iyo irdaha laga soo galo magaalada ee baabuurkaan soo daayay, maxaase tilaabo looga qaadi waayay?

– Aaway Wasiirkii Amniga ee saraakiisha shaqada uga cayriyay, lahaana waan iscasilayaa hadii aan lasoo qaban qof dilay wiilkii uu abti u ahaa. Miyuusan mas’uuliyad u heynin kuwaan, una diirnaxeyn kuwaan la xasuuqay?!

– Baabuur nuucaan oo kale ah looma ogoleyn inuu soo maro wadadaan, ka warqab la’aana looma soo deynin ee yaa soo daayay, sideese ugu suurogashay inuu yimaado ilaa isgoyska Zoope oo aan ognahay dhamaan jidcadeyaasha soo gala inay xiranyihiin, wadooyinka waaweyn ee loo soo marana ay ku leeyihiin ciidamada amniga baro baaritaan oo dhowr ah?

– Mas’uuliyiinta dowlada maxay ugu gurman waayeen dadkii dhibaatadu ku dhacday oo loogu fiirsaday dadkii dhaawacmay ilaa dabku ku tago oo sida aan aragnay ay uwada gamaareen. Yaa mas’uul ka ah dad badan oo dayac u dhintay. Maxayse uga aamuseen mudada intaas la’eg xasuuqaas ba’an ee dadkaas shacabka ah loo geystay. Miyeysan kamid ahayn dadka ay mas’uuliyada u hayaan mise ujeedo kale oo naga qarsoon ayaa jirta?

– Ma su’aashay Xukuumadu Wasiirka Arimaha Dibada Qadar inuu la wadaago macluumaadka uu ka hayo qaraxaas ee sheegayay in dowlado soo abaabuleen iyo sidoo kale ujeedka uu kalahaa inuu yiraahdo Safaarada Qadar ayaa weerarkaas lagu qaaday, iyadoo ay u dhaxayso Safaarada Qadar meesha ay ku taalo iyo meesha weerarku ka dhacay masaafo aan ka yareyn hal kiilo mitir?

Dhamaan arimahaan oo dhan marka la isku daro waxaa jira tuhun soo kordhaya oo ku saabsan dhacdadii xanuunka badneed ee 14kii bishaan ka dhacday isgoyska Zoope. Waxaan usoo jeedinaynaa Madaxweynaha JFS iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada inaan sidaan sahalka ah looga gudbin xasuuqii Zoope ee ay qaadaan tilaabooyin deg deg ah oo lagu baarayo dhacdadaan sida ugu dhaqsiyaha badana ula wadaagaan natiijada baaritaanadaas goleyaasha barlamaanka, qoysaskii, qaraabadii iyo umaddii Soomaaliyeed ee dhibaatadani ku dhacday.

Mahadsanidiin.

Hon. Mahad Salad

Haddaba halkaan hoose ka akhriso Jawaabaha iyo Falanqeynta aan ka bixiyey qodob kasta oo kamid ah qodobada uu Mahad Salaad soo qoray:

Markii qaraxu dhacay gurmad deg deg ah looma fidin dadkii dhaawaca ahaa si loo badbaadiyo nolashooda. Qaraxu waxa uu dhacay 3:15 galabnimo. Dab demiskii ugu horreeyayna waxa uu goobta qaraxa soo gaaray 4 saacadood kadib. Iyada oo in badan oo banaanada ku dhaawacmay iyo kuwii ay ku dumeen dhismayaashii ay ku qaylinayeen, na badbaadiya ilaa dabku jirkooda qabsaday kuna nafwaayeen halkaas!
Jawaab: Arrinta ku aadan gargaarka deg deg ah ama Dab Demisyada, Mahad Salaad been weyn ayuu sheegay, waxaase macquul ah inuu is lahaa dad aan waxgarad, caqli iyo xog ogaal aheyn ayaad wax u sheegeysaa, dadkii ugu horreeyey ee meesha tagay waxay xaqiijiyeen in baabuurta dam damisyada ay durba meesha tageyn .

Fiiri hadalka Mahad Salaad, wuxuu yiri: Dab Damisyada waxay tageyn meesha qaraxa ka dhacay 4 Saac qaraxa kadib, maadaama qaraxu dhacay 3:30 Galabnimo waxay ka dhigan tahay inuu Mahad ka wado in baabuurta Dabdamisyada ay tageyn 7:00 oo Habeenimo.

Waa yaabe Mahad Salaad kaligiis miyaa Xamar joogay marka ay dhibaatada dhacday, miyuusan ku fakareyn in qaraxaan uu saameeyey guri kasta oo ku yaal Magaalada, isla markaasna dadkii oo dhan ay imaadeen meesha qaraxa ka dhacay lana arkay howsha ka socoto iyo waqtiga ay dab damisyada iyo baabuurta Gagaarka deg deg ah imaadeen, Mise Mahad Salaad caqligiisa ayaa intaas la eg oo xildhibaanimada waa lagu qalday.

Waxaa tusaale cad kuugu filan oo warka Mahad Salaad beeniyey imaanshiyaha Guddoomiyaha Gobolka Benaadir oo meesha qaraxa gaaray wax ka yar 30 Daqiiqo, wuxuuna Guddoomiyaha meesha ugu tagay dab damisyada, Baabuurta Gargaarka deg deg, waxaana Magaalada oo dhan laga wada dhareemayey daqiiqado kadib gurmadka dab damisyada iyo kuwa Ambalaasyada oo isugu jiray kuwa hey’ado ay lahaayeen, kuwa Isbitaalo lahaayeen iyo kuwa ay dowladda laheyd.

Waa Dab Damiska oo taagan halka uu qaraxa ka dhacay, Sida sawirka kaaga muuqato dhaawacyada ugu horeeyey ayaa meesha laga qaadayaa, Dam Damiska wuu taagan yahay, Waqtigana waa xilli Maalin ah (Galab) Mahad Salaadna wuxuu sheegay in Hal Saac Habeenimo ay tageen

Mid ka mid ah dadka eheladooda ku waayey Qaraxaas, isla markaasna daqiiqo la eg 20 daqiiqo kadib gaaray halka uu qaraxa ka dhacay, ayaa xaqiijiyey inuu Dab damisyada ugu tagay halka uu qaraxa ka dhacay isla markaasna ay wadeyn howlo culus oo ay ku daminayeen dabka.

Marka laga soo tago beenta qaawan ee Mahad Salaad iyo xaqiiqda ay sheegeen dadkii meesha tagay, waxaa la ogyahay in Soomaaliya aysan laheyn xarun loogu talagalay Dam Damiska, in jidadka Muqdisho ay aad u mashquulsan yihiin, haddana sidaas oo ay tahay waxaa la xaqiri karin in intii ay awoodeen ay sameeyeen Shaqaalaha dab damiska weliba lagu amaani karo inaysan daqiiqad ka tagin halka ay wax ka dhaceyn oo muddo 4 berri ah shaqo laga waday.

Hadalka Mahad Salaad ee ah dadkii way gubteen, baabuurta dam damiskana ma imaan, waa hadal siyaasadeysan oo uu ku doonayo inuu shacabka iyo Dowladda iska hor keeno, ma jirto cid Maanta Muqdsiho ku sugan oo aan ka war qabin culeyska uu lahaa qaraxa iyo Saameynta uu geystay.

Sababaha ugu weyn ee keenay inay dadka Gubtaan waxay aheyd:

1) Baabuurka Qaraxa waday oo laga soo buuxiyey Baasiin, Haamo Oksajiin aad u badan ku jiro iyo waxyaabo badan oo dhaliyo Hollac, looguna talaglay inaysan hal qof ka badbaadin, sidoo kale qaraxa awoodiisa ayaa lagu sheegay inuu ahaa midkii ugu xooganaa oo Muqdisho ka dhaca.

2) Meesha oo ay marayeen Baabuur siday Sonkor iyo Raashin, waxayna arrintaan sababtay inuu ka dhasho dab aad u xooggan maadaama Sonkorta ay tahay aalad kale oo dabka kiciso, waxaana adkaatay in waqti kooban lagu damiyo dabkii ka kacay halkaas.

3) Meesha oo aheyd Meelo ganacsi oo isugu jiray Shidaal, Dukaamo iyo Hotel, waxaana xusid mudan inay gubatay kaalin Shidaal oo meesha ku taalay, taasoo sababtay inay gubtaan ganacsiyo badan iyo Gawaari, waxaana wax la inkiri karin ah in dabka iyo dhimashada ay badisay gawaarida tirada badneyd ee meesha mareysay kuwaas oo dhamnaatood shidaal ka buuxay, dadka gubtana looma heli karin fursad yar oo xataa lagu badbaadin karay maadaama waxa ku dhacay ay ahaayeen wax aan laga soo kabsan karin, inta badana dadka gubtay waxay ku gubteen baabuurta dhexdooda.

Intaan ayaana kaaga filan qodobka koowaad ee uu Mahad Salaad doonayey inuu dadka ku siro isagoo leh dano siyaasadeed iyo ujeedooyin aan qarsooneyn.

Maalin sabti ah 14/10/2017, saacadu markii ay ahayd 3:15 galabnimo ilaa habeen isniinta ah 16/10/2017, saacadu markii ay ahayd 12:23 habeenimo dowlada Soomaaliya kama hadlin sida wax u dhaceen iyo baaxada qasaaraha dadka soo gaaray inta uu la’egyahay. Madaxweynaha waxuu tacsiidiisa ugu horreeyay diray markii dadku kala seexdeen oo la dhaafay 1:00 habeennimo oo ku beegan axad 15/10/2017. Waxay dad badan farriimo u direen Madaxweynaha iyagoo xusuusinaya in dhacdadii Lasvegas ee dalka Maraykanka uu ka tacsiyeeyay laba saac gudahood (maadaama uu haysto dhalasho Maraykan ah)!

Ka hor inta aanan ka jawaabin qodobkaan, horta Mahad Salaad ma u aqoon xumaa, ma u doqonimaa, ma u isdabaalisaa, ma u mucaaradnimadaa mise aqoontiisa iyo garaadkiisa ayaa intaas ku eg, ma ogi aniga ee hadaad ogtahay u sheeg isaga.

Mahad Salaad waxaa isaga darsan nidaam dowladeed iyo shakhsiyaad, Dowladda Soomaaliya waxaa Mas’uuliyad ka saaran tahay ummadda oo dhan, waxa ay sheegeysana waa lama huraan inay iska hubiso.

Qaraxa ka dhacay Soobe ma heyn mid lamid ah kuwii ka dhacay Mareykanka iyo adduunyada kale, wuxuu ahaa Musiibo, sidaas darteed marnaba macquul ma aheyn inay dowladda Soomaaliya ka hadasho isla waqtiga wax dhaceyn, maadaama waxa dhacay ay ahaayeen wax aan lagu fududaan karin isla markaasna aan wax laga soo saari karin.

Dowladda waxay hadal soo saari kartaa marka ay hesho tirada rasmiga ah ee dhimashada, sida wax u dhaceyn, waxaana howshaas shaqadeeda leh Hey’adaha Amaanka, ee madaxweyne Farmaajo shaqadiisa maahan ee horta shaqooyinka kala saar oo kala baro, waxaan la inkiri karin inay hey’adaha amaanka meel fiican u mareyso howlaha Baaritaanka.

Dowladda laba jeer ayey warbixin kasoo saartay Khasaaraha weliba mar kasta waxay raacineysay wixii khasaaraha kusoo kordha waan idinla soo socodsiin doonaa.

Marka Mahad Salaad ma wuxuu rabay inay dowladda 10 war soo saarto oo uu hadhow dhaho dowladda way kala hadashay oo uu misana halkaas ka raadiyo mucaaradnimo!

Dowladda Soomaaliya, ma waxay hor marisaa sidee wax u dhaceyn, tirada dhimashada waa immise, mise dowladda waxay badbaadisaa inta nool ee dhaawaca ah iyo hantida gubaneyso, marna waxaad leedahay dowladda maxay uga hadli weysay tirada dhimashada waqti hore, marnaba waxaad leedahay dowladda maxay dadka u ugu gurman weysay, waxaa filayaa in qalalaadka ugu badan ee qoraalkaaga ku jiro ay sabab u tahay adigoo dhaliil raadis bis ah isla markaasna aan ku hadleyn wax xaqiiq ah, ileen waa la kala fahmi karaa qoraal la abuuray iyo mid jiro.

Dowladda dadaalkeeda ugu badan waxay isugu geysay sidii dadka loo badbaadin lahaa inta uu Alle u qoray inay siin noolaadan, dowladdana dadka nafta kuma celin karto wixii dadaal iyo karti ahaa runtii lama xaqiri karo dowladda way qabatay, intii uu Alle u qoray inay geeriyoodaan way geeriyoodeen, intii kale ee badbaadeysana gacanta dowladda ayuu Alle ku badbaadiyey.

Marka intaas ayaan uga baxay qodobkaas, oo runtii iska ahaa dacaayad iyo inuu Mahad Salaad yahay nin bariiskiisa ku jiro inuu dowladda mucaarado oo meelo kale laga siiyo Mushaar.

Maalintii axadda ahayd 15/10/2017, warbaahinta dawlada iyo saaxiibadeeda Twitter ka iyo Facebook ga waxay ku celcelinayeen khasaaraha in lagu qiyaasayo ilaa 30 qof! Galabtii axadda ayaa anagoo ah Xildhibaano katirsan labada gole ee barlamaanka waxaan tagnay qaar kamid ah hospitaalada magaalada Mogadishu, waxaanan la wadaagnay bulshada Soomaaliyeed in waxa meesha ka dhacay ay tahay MUSIIBO QARAN. Dhimashaduna kor u dhaafeyso 230, dhaawacuna cagacageynayo ugu yaraan 300. Xildhibaannada laba gole ee goobaha caafimaadka tagay ayaa dadaal dheer u galay inay ku qanciyaan madaxda dawladda baaxadda muusiibadan iyadoo habeenkii isniintu soo galeysay 16/10/2017 markii dadku kala seexdeen oo saacadu ahayd 12:23 habeennimo ay Xukuumadu soo saartay warbixinteedii ugu horreysay ee ay uga hadasho qasaaraha dadka shacabka ah soo gaaray inta uu la’egyahay!

Inaad Qodobkaan soo qaadaneyso waxaa dareensanaa markii aad Sawirka lasoo galeysay Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre markaasna aad kala garan weysay cidda aad la taagan tahay inuu yahay Cunug aad dhashay iyo Shakhsiga labaad ee dalka ugu sareyso, adigoo indhaha ku gubayo, Ileen xishood darro looma dhinto!

Fiiri Sawirkaan sida uu Indhaha ugu gubayo Ra’isulwasaaraha dalka Soomaaliya oo ay aheyd inuu Mahad Salaad ka heebeysto, ileen aqoonta iyo Darajada saaran Mahad Salaad waa dameer Malab la saaray.

Marka aan halkaas uga gudbo Sawirkaan, Mahadoow horta dadka dhintay marka ay dowladda qarineyso kuwii dhalay ma joogaan Miyaa,Facebook miyaa xirmay, maxay dowladda ka heleysaa dad dhintay inay qariso, ma iyagaa Shabaabkii dilka geystay ah?

Soo ma ogid inay adduunyada hor martay oo cid kasta oo dhinta sawirkiisa laga helayo baraha Bulshada iyo warbaahinta oo dhan.

Soo ma ogid inay dowladda Soomaaliya aheyd cidda qaadeysay Meydadka oo geeneysay isbitaalada aad adigu tagto adigoo weliba raadinayo qiil aad dowladda ku dhaleeceyso, ma ogid miyaa in Isbitaalada Muqdisho ay yihiin kuwa si gaar ah loo leeyahay oo dowladda ka madax banaan isla markaasna ay saxaafadda la wadaagayaan liiska Dhimashada iyo Dhaawaca lasoo gaarsiiyey xarumahooda.

Qof Caqli iyo maskax leh kaama yeeli karo inaad dhahdo dowladda Soomaaliya waxay qarrin rabtay khasaaraha ka dhashay Qarixii Zoobe! Ba’aa, Mahad Salaadow ma sidaan baad beel dhan oo sumcad ku leh Soomaaliya ku matashaa Xildhibaanimo.

Qodobkaan waa qodob Aflagaado, Xad Gudub iyo been abuur aad ugu geysatay Madaxda dalka ugu sareyso, waxaana mudan tahay in Xasaanada laga qaado isla markaasna lagu soo taago Maxkamad, abaalkaagana lagu marsiiyo ileen waxaad tahay Xildhibaan doonayo inuu dalka burburiyo, Musiibada uga faa’ideysto Dano Siyaasadeed iyo inaad Mushaar iyo Laaluush ku qaadato inaad muuqaal qaldan ka bixi dowlada Soomaaliya.

Waxyaabaha keenay inay Saxaafadda oo dhan saacadihii ugu horeeyey soo gudbiso tiro la siman 30 ilaa 50:

1) Qarax iyo Musiibo kasta oo dhaca Saxaafadda kuma fududaan karto inay heerka Dhimashada gaarsiiso meel sare, waxaana jirto Qaacido saxafaadeed oo qabto inuu Wariyaha qaato Meesha ugu yar ee Dhimashada halka uu meel sare qaadan lahaa iyadoo aysan jirin hey’ad dowladeed oo tiro koob rasmi ah soo bandhigto.

2) Heerka Dhimashada ee Musiibooyinka Soomaaliya oo aan waligeed intaan gaarin, waana sababta ugu weyn ee keentay in tiro yar la qaato, maadaama aysan jirin cid ku fakareysay in dhibaato intaan la eg ay dhici kartay.

3) Waqtiga Qaraxa dhacay oo aheyd galab 3:30( UTC+03:00) isla markaasna aysan suurta gelin in la wada helo dhimashada iyo dhaawacayda qaar badan oo ku jiray Dhismayaasha hoosteeda, lana gaaray xilli habeen ah, waxay keentay inaan la helin xaqiiq iyo qiyaasta tirakoobka hordhaca ah ee ku saleysan waxa dhacay.

4) Maadaama dadka dhintay ay intooda badan gubteen, qaar la waayey, qaarna ay dhismaha hoosteeda galeen, waxaa adkaatay in laga hadlo dhimashada iyo dhaawaca in ay la egtahay, taasoo keeni laheyd haddii laga hordhaco in dowladda lagu eedeeyo inay soo gudbisay tiro koob aan xaqiiqda ku saleyneyn.

Runtiina dowladda waa in lagu amaano sida ay dadaalka ugu muujisay Dadka ku dhibaatoobay musiibada, waxayna dowladda warbixinta soo saartay kadib markii ay ku guuleysatay inay hesho xog dhameystiran oo ay Bulshada la wadaagi karto.

Ugu Dambeyntii Waxaan filayaa in qodobkaan aan faahfaahin badan ka bixiyey, Shacabka Soomaaliyeedna ay dareemi doonaa ujeedka hadalka Mahad Salaad iyo sida ay wax u dhaceyn, Dowlad Kasta way leedahay Mucaarad, balse Mahad Salaad waa Mucaarad Mooryaanimo ka muuqato iyo dal dumin.

Sidoo kale qaraxu markii uu dhacday daqiiqado kadib wuxuu Twitter kiisa kusoo qoray Wasiirka Arimaha Dibada Qadar in weerarka lala beegsaday Safaarada Qadar, ayna soo abaabuleen dowladaha khaliijka ee go’doomiyay dowlada Qadar oo ka xun garab istaagii Soomaaliya garab istaagtay dowlada Qadar!
Qodobka ku aadan cidda iyo meesha lala damacsanaa Qaraxaan awooda badan waxaa kasoo baxay warbixino badan, cid kasta oo Xarun bartilmaameed noqon kartay ku laheyd Muqdisho waxay u heysatay in iyada lasoo beegsaday:

Haddii Mahad Salaad uu soo qaatay hadalka Wasiirka Arrimaha Debadda ee Qatar ee twitterka lagu soo qoray, wargeyska Al-Sharqi ee laga leeyahay dalka Qatar isna wuxuu soo qoray wareysi uu siiyey Wasiirka oo uu ku sheegay in qaraxa Soobe ka dhacay ee Masaakiinta lagu laayey ujeedkiisa uu ahaa in Shacabka laga aarsado maadaama dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ay dhex dhexaad ka noqdeen Khilaafka Dowladaha Khaliijka go’aankaasna uu ahaa mid loogu daneeyey Qatar.

kasoo gudub, Safaaradda Dalka Qatar ay ku leedahay Muqdisho waxay ku taalaa meel aan sidaas uga fogeyn halka uu qaraxa ka dhacay, welib hal KM ayey u jirtay, Qof kasta oo Muqdisho xilligaas ku sugnaa wuxuu khiyaasayey in gurigiisa lagu dhuftay Qaraxaas, maadaama awoodiisa ay aad u badneyd, waxaase macquul ah in Saraakiisha Safaaradda Qatar ee ku taalo Isgoyska Km4 ay durba Wasaaradda Arrimaha Debadda u gudbiyeen in Xaruntooda lasoo weerary maadaama sida aan xogta ku hayno ay Muraayadaha iyo qalabka dhan ka jajabeen Safaaradda sidaasna uu wasiirka ugu fududaaday in qaraxa lala eegtay Safaaradda.

Waxaa jiray Warar badan oo soo baxayey durba markii uu Qaraxa dhacay oo ahaayeen:

1) In Qaraxa lagu weeraray Wasaaradda Arrimaha Debadda Soomaaliya oo ku taalo meel aan waxba u jirin halka qaraxu ka dhacay

3) In qaraxaas lala eegtay Hotel Saxafi iyo CID

2) Sidoo kale waxaa hadda la sheegayaa in lala damacsanaa qaraxaas Saldhigga ay Turkiga ka furteen duleedka garoonka Muqdisho.

Haddaba Warka Wasiirka wuxuu lamid yahay hadalada soo baxayey waqtiyada hore ee Qaraxa, waxaana muuqato inuusan Mahad Salaad hadalada kale oo dhan u jeedin balse ay midaas u muuqato, waxaana halkaas uga baxnay Qodoboka 4-aad.

Hadaba waxaa isweydiin mudan:
– Aaway mas’uuliyiintii amniga u xilsaarnaa iyo saraakiishii hugaaminaysay ciidamada joogay isgoysyada iyo irdaha laga soo galo magaalada ee baabuurkaan soo daayay, maxaase tilaabo looga qaadi waayay?

– Aaway Wasiirkii Amniga ee saraakiisha shaqada uga cayriyay, lahaana waan iscasilayaa hadii aan lasoo qaban qof dilay wiilkii uu abti u ahaa. Miyuusan mas’uuliyad u heynin kuwaan, una diirnaxeyn kuwaan la xasuuqay?!

– Baabuur nuucaan oo kale ah looma ogoleyn inuu soo maro wadadaan, ka warqab la’aana looma soo deynin ee yaa soo daayay, sideese ugu suurogashay inuu yimaado ilaa isgoyska Zoope oo aan ognahay dhamaan jidcadeyaasha soo gala inay xiranyihiin, wadooyinka waaweyn ee loo soo marana ay ku leeyihiin ciidamada amniga baro baaritaan oo dhowr ah?

– Mas’uuliyiinta dowlada maxay ugu gurman waayeen dadkii dhibaatadu ku dhacday oo loogu fiirsaday dadkii dhaawacmay ilaa dabku ku tago oo sida aan aragnay ay uwada gamaareen. Yaa mas’uul ka ah dad badan oo dayac u dhintay. Maxayse uga aamuseen mudada intaas la’eg xasuuqaas ba’an ee dadkaas shacabka ah loo geystay. Miyeysan kamid ahayn dadka ay mas’uuliyada u hayaan mise ujeedo kale oo naga qarsoon ayaa jirta?

– Ma su’aashay Xukuumadu Wasiirka Arimaha Dibada Qadar inuu la wadaago macluumaadka uu ka hayo qaraxaas ee sheegayay in dowlado soo abaabuleen iyo sidoo kale ujeedka uu kalahaa inuu yiraahdo Safaarada Qadar ayaa weerarkaas lagu qaaday, iyadoo ay u dhaxayso Safaarada Qadar meesha ay ku taalo iyo meesha weerarku ka dhacay masaafo aan ka yareyn hal kiilo mitir?

Inkastoo dhammaan Su’aalahaan uu Mahad Salaad ku saleeyey mucaaradnimo iyo sida uu isagu rabo in dowladda looga fahmo, haddana waxaa muuqato in inta badan Su’aalahaan la filayo in jawaabahooda la helo marka laga reebo sidee ayey ku dhacday inuu Baabuur Qarxo soo galo Muqdisho.

Mahad Salaad isagoo Madaxtooyada Villa Somalia dhex fadhiyo ayaa Shacabka Soomaaliyeed la qarxin jiray, dhiman jireyn, baabuur waaweyn ay ku qarxeen Muqdisho, bal asna hanooga jawaabo Su’aashaas sidee ku dhacday isagoo mas’uul dowladeed ah isla markaasna ka tirsanaa kooxdii Xasan Sheekh Maxamuud qarax u dhaco.

Marka uu leeyahay Mas’uuliyiinta dowlada maxay ugu gurman waayeen dadkii dhibaatadu ku dhacday oo loogu fiirsaday dadkii dhaawacmay ilaa dabku ku tago oo sida aan aragnay ay uwada gamaareen, ma arko miyaa waxa Muqdsiho ka socday iyo gargaarka baaxada leh ee dowladda wado, mideeda kale horey ayaan uga soo hadalnay sababaha ugu weyn ee keenay inay dadka Gubtaan, waana soo qaadanay Xaqiiqooyin ku aadan waqtiga gargaarka ay heleyn dadka Dhibaatada ku dhacday iyo waqtiga ay gawaarida dab damiska ah ay tageyn meesha wax ka dhaceyn.

Ugu Dambeyntii Mahad Salaad Waa Xildhibaan ka tirsan Dowladda Soomaaliya, waxaa la xasuustaa inay isaga iyo Xildhibaano kale diyaarado u kireysteen tagitaankii Cadaado markii uu Khilaafka Galmudug bilowday, maxay tahay sababta uusan Xildhibaanka u sameyn gurmad nafsad ahaantiisa isla markaasna uusan uga qeyb qaadan gurmadkaas xoog iyo maal midna , marka uu Intuu Isbitaalada tago dadka korkooda sawiro iyo warbixino kasoo raadsanayo oo uu dowladda ku mucaarado.

Qof kasta oo Caqli leh isla markaasna fahmi karo ujeedka rasmiga ah ee Hadalka Mahad Salaad wuxuu dareemi karaa, haddii xataa ay dowladda qaladgasho inay jiraan waddoodoyin kale oo uu Dowladda wax ugu sheegi karo.

Waxaa qalad weyn aheyd inuu Mahad Salaad dowlad uu isaga ka tirsan yahay uu Facebook wax ugu sheego, waaana sababta ugu weyn ee laga fahmi karo inuu Mahad Salaad yahay dowlad dumis iyo inuusan hadalkaan ka aheyn sixitaan balse ay tahay dano siyaasadeed oo uu ku doonayo inuu boos weyn kaga helo xukuumadda.

Mahad Salaad waa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna awoodaa inuu madaxda dowladda fadhigooda ugu tago, la shiro wixii uu dalka u tari karo, wixii qalad jiro dhammaan uu la wadaago madaxda Dowladda markaasna wuxuu noqon lahaa qof rabo inuu wax saxo.

Waxaan qoraalkeyga kusoo gabagabeenayaa:

Mahad Salaadoow waa lagu fahmay, ee ka fiirso waxa aad Bulshada lasoo wadaageyso, sidoo kalana ku fakar inaad mustaqbalka fog ka xisaabtanto, maadaama waxyaabahaan oo kale ay saameyn ku yeelan karto rajada dambe ee ah inaad ku lug yeelato dowladaha kale ee dalka yeelan doono.

W/D: Cabdirizaak Muuse Biixi
Email: abdrizak1111@gmail.com