TALO ADAA KU NOOL EE IYADU KUGUMA NOOLA! W/Q: Khaliif Ashkir Diinixoosh

2

Waxaan anigoo ah Khalif Ashkir Diini Xoosh rabaa in aan la hadlo.

Madaxda Dawlad-Goboleedyada dhawaan shirku ugu soo xirmay magaalada Kismaayo.
Madaxda sare ee Dawladda Federaalka ah.
iyo Shacabka Soomaaliyeed meel kasta ha joogeene.

Madaxda Dawlad Goboleedyada:-

Ugu horreyn waxaan idiin soo gudbinayaa salaam sharaf iyo ciso xambaarsan. Taas macneheedu maaha inaad sameyseen wax aan jiclahay, laakiin waxaa ogahay ra’yigu in oo kala duwanan karo, lakiin tanta guud inaga dhexeeso. Waxaan aaminsanahay in danta guudu ka mudantahay aragtida shaqsiyeed. Shirkii Kismaayo ma-ahayn kaliya mid dhabarka ka wareemay qarannimada Somaaliya, ee wuxuu kaloo ahaa mid daaha ka feydey hagar-daamada ku qarsoon federaalka aan maqaamka ku fadhiyin oo nalagu qasbay, kaas oo ujeedkiisu yahay, in Soomaaliya laga dhigo ceel waddooyin badanu soo galan oo haddii midu xiranto midkale kaga soo galo. Waxaan la aqbali karin in rag tirsigaas, da’daas iyo masuuliyaddas lehu, iska waayaan qar yidhaahda, yeynaan dalka u horseedin muran siyaasadeed iyo is-qabqabsi, ee aan masiirka siyaasadeed dawladda dhexe u deynno. Bal aan mudnayaasha weydiiyo saddexdaan su’aalood:-

Ururka Dawlad Goboleedyadu samaystaan Dastuurka ma jiraa?

Labada aqal ee barlamaanka iyo golaha wasiirada yey matalaan?

Horay aduunka ma loogu arkay madax-goboleedyo Dawladdii ay ka tirsanaayeen isu-bahaysta.

Waxaan qormadii aan uga hadlayey ficilkii shirkii Kismaayo ka dhashay, ku soo gababaynayaa sheekadaan oo laga soo wariyey Oday lagu magacaabi jirey GAR-MAQAATE.

Garmaqaate waxuu ahaa nin madax adag oo gardiid ah. Shirkasta ee odeyaashu isugu-yimaadaan wuxu la imaan jirey xaajo aan suuroobi Karin, markii laga diidana waa cooroon jirey
Maalintii dambe ayuu lacag fara-badan meel ka heley, wuxuu maqli jirey, baadida waa la naad-shaa, haddii cid sheegata la waayana waa kuu xalall. Wuxuu soo shiriyey xaasaskiisii iyo carrurtiisii, wuxuu ku yidhi:-

War yaa baadiyo ka qan tahay. Waa leys dhugtey, waana la waayey qof sheegta. INTUU ISTAAGAY OO DABADA JAF-JAFDAY, AYUU YIDHI, XAQOW IGA HAR, HADHOW YAAN LAY ODHAN, MA NAADISEY.

Madaxda Sare Ee Dawladda Federaalka

Waxaa la yidhh:- (wixii ku qabta iyo qaddar Allaba waa laqaataa). Waxaa kaloo la yidhi:- (siyaasaddu waxay la dhadhan tahay dacarta iyo malamka, ninkii aan dacarteeda muudsan, malabkeeda ma muudsado.

Arrintaano waa liqdaar (chalange) dhib-badan. In haa’yadaha siyaasadeed ee Dawladda Soomaaliyed foodda islagalaan, waaba wixii cadowgu sugayeen. Si-aad taas uga fogaataan, is-jiid- jiita intaad kala tegi-lahaydeen.

Waxaan soo dhaweynayaa talaabada haboon ee M/weynuhu arrintaan ku wajahay, taas oo ah in la wada-hadlo, awalba waxaa dadku ku faraxsanaa, in M/W shaqadii PM-ka, faraha kala baxay taas oo sababtay in shacabka oo ay madaxda goboladu ku jiraan aaminaan dhaqanka is-xakamaynta ee M/W ku socdo. Wadax iyo Somaaliyeed waxaa manta horyaal shqa culus oo u baahaan:-

Miyir badan
Samir badan
Iyo Masuulnimo badan

Dhibaatada jirta waxaa ka mid ah, in aan la dhisin maxkamaddii Dastuurka taas oo lays weydiinayo sa babta loo dhisi waayey. Waxaan saas u leeyaha, waxaa si-ujeedo ah lay-sugu qalday qodobka 43 iyo midka 44 ee dastuurka kmg ah ee Soomakiyeed. Haddii ay jiri lahayd maxkamad dastuuri ahu, iyadaa oran lahayd, ka jog adiga maahe.

`Mudaneyaasha Labada Aqal.

Mudanayaasha ku jira aqalka hoose iyo aqalka sare, iyo waliba golaha wasiirad waxaan weydiinayaa hal su’aala ah, anigoo waliba ilaalinaya xusmadda ay iga mudan yihiin, su’aashaasu waxay tahay sidaan:- waxaad tihiin 400 oo dhawdhow. Waxaad kulli ka soo jeeddaan Goboladda. Wax Xamar laga soo doortay idin-kuma jiraan, ama waa dhif iyo nadir.

Hadey arrintu saas tahay, maxay Madaxda Goboladu ugu doodayaan in ayagu wax kasta goboladooda uga masuul yihiin, soo arrintu uma eka inaan kuligeebba is-afgaran la’anahay. Waxaa ila qumman in mudanayaashu la xisaabtamaan madaxda gobolada laga soo doortay oo u sheegaan in wixii gabalada uga xiran dawladda dhexe ay iyagu matalayaan,maadaama dawladda dhexe ee la sheegayaba iyaga tahay

Dadweynaha Gobolada Ku Nool Macaa Mudaneyaasha.

Waayaan dambe waxaa la sheegayaa in qarannimadii Soomaliya la xaraashay. Waxaan dadkayaga xasuusinayaa in qofkii gata sirta dawladda lagu magacaabo jaajuus, inta badana xabsi dheer ayaa la xiraa, laakiin qofkii gata siyaasadda dalka waxaa lagu magacaabaa khaa’inu waddan, waana la toogtaa isaga oo siijeeda si sharaftiisa loo naaqusiyo. Waxaan kaloo dadkayaga xasuusinayaa in aysa jirin qiimo lagu iibin karo siyaasadda, maxaa yeelay waxay u dhigantaa wadnaha qarannimada.

(Bal ila dheehda dhacdadaan:- dalkii lagu magacaabi jiray midowga sufiyeed waxaa la qiyaasayaa in sirtooda, Reer Galbeedku xadeen kuyaal jeer intii dagaalgii qaboobaa socday wax badanna uma dhibin. Dhanka kale waxaa dhawr maalmood lagu kala daadiyey dawladihii ku jiray ururkaas xoogga badan, ka dib markii ninka lagu magacaaboGarbajooj oo waqtigaas madaxweyna ahaa uu siyaasaddi dawladda cadow ka gatay. Jabtarkaan waxaan uga baxayaa shacabka Soomaaliyeed ee sharafta leh, ha xaqiijiyeen inaan cadawgu dhankooda uga soo dusin burburinta qaranimada. Ogaada cadawgu waa sida shaydaanka oo kale, marbuu isku soo ekeenayaa qof aad taqaan oo waliba kula sinji ah.

Su’aasha iigu dambaysa ee aan shacabkayaga weydiinayo waa tan:- wax lacag ah oo khaliijka laga soo qaaday waxaan maqlay 50 milyan oo M/W. keenay, lacagaha kale ee la shagayo aawaye, misa odayaasha waa la dulmiyayaa.

Gaba-Gabadii

Waxaan dadka Soomaaliyeed, meelkasta ha joogeen darajo kastana ha lahaadeene, guubaabinayaa in ay dastuurka qabyada ah ee hadda la saxayo ku naaxiyaan awoodda dawladda federaalka. Waa inaan loo fakarin in dawladda federalka ah cidu gaar u leeday cida kala dawlad goboleedya gaar u leedahay. Aan ku cesho mar labaade, dawladda kaliya ee aad leedihiin waa federaalka marka waa in iyada dastuurka lagu xoojiyaa.

FG, Waxaan tacsi u dirayaa qaraabadii dadkii wax ma garatadu ku xasuuqeen isgoys zoobe, Waxaan qurbajoogta ugu baaqayaa in ay si muuqata uga qayb qaataan gurmadka.

Dawladda turkiga waxaan leeyahay:-

(abaal ba’ay),
(abaal badan),
(abaal buriyo dheeraad),
(ninba kiisa kaan ugu badalin beerka ka ogsoonio)

W/Q: Khaliif Ashkir Diinixoosh
074 66941576 london
Email khalifashkir35@hotail.com

Comments are closed.