FAALLO:- XASUUQII ZOOBE SU’AASHII GURMADKA KA DIB NOOGA DHIG!!

Waxan jeclaystay inaan qodob-qodob u dul istaago dhaliisha Xil. Mahad Salaad ee aan waqtigeeda la joogin qaarkeedna aan ka turjumaynin xaqiiqda jirta laguna marin habaabinayo gurmadka ay shacabka Soomaaliyeed iyo dalalka aan saxiibka nahay la garab istaagayaan dhibanayaashii ay ku habsatay masiibadii ka dhacday Sabtidii hore Isgoyska Soobe.

Soomaalidu waxay ku maah-maahdaa “Qadiyad walba xiligeeda laga hadlaa” qofka waxaa fiican inuu misaan saaro marxaladaha lagu jiro ka hor inta uusan wax amaanin ama uusan dhaliilin, waxaa jirta xili laguu dhago raaricinayo, lagugu amaani, ama lagaa abaal marin hadii aad soo jeediso dhaliil, balse nasiib daro dhaliisha uu qalinka u qaatay Xildhibaan Mahad Salaad oo cinwaankeedu “XASUUQII ZOOPE SU’AALO BADAN AYAA KASOO LAABTAY!” dhamaan dadkii fal-celinta ka bixiyey 90% waxay naqdiyeen qoraalkiisa kuna tilmaameen midaan xiligaan munaasab ahayn.

Qodobada dhaliisha ah ee Mahad Salaad ayaan mid mid u dul istaagayaa:

1. Gurmadka Deg Dega ah: Waxaan ku sugnaa meel aan ka fogayn goobta qaraxu ka dhacay, gawaarida dam-damiska ah iyo Ambalasyadu waxay goobta soo gaareen wax ka yar 30 daqiiqo, waxayna bilaabeen in ay daad gureeyaan dadka dhaawaca ah dabkana damiyaan,

2. Ka hadlka dhacdada: Marka dowladu arinta ka hadlayso waxaa lagama maarmaan ah in ay hayso tirakoob sax ah, si looga fogaado is bar baryaacii horay u jiri jiray iyo kala hadlakii xiliyada qaraxyadu dhacaan, waxaa hadli jiray dowladihii hore. Afhayeenka Wasaarada Amniga, Wasiirka Amniga, Wasiirka Warfaafinta, Afhayeenka Ciidanka Booliska, Taliyaha Ciidanka Booliska, waxayna sheegi jireen hadlo badan oo isburinaya, taas oo shacabka niyad jab u keeni jirtay, balse dowladu waxay go’aansatay in macluumadka la aruuriyo kadibna masuul loo xilsaaray uu ka hadlo. Arinta kale dhibka meesha ka dhacay baaxadisa ayaa sabab u ah in wax badan la ogaado.

3. Tacsida madaxweynaha: Tacsi boog ma daaweyso kaliya waxaa ay muujisaa sida looga xun yahay waxa dhacay, madaxda qaranku waxaa dadaalkooda isugu geeyeen sidii loo ilaalin lahaa amniga, loogu gurman lahaa dadka dhibaataysan, wadamada saxiibka aa nahayna loo weydiisan lahaa gar gaar bani’adanimo. Taas ayaa ka muhiimsan tacsi lagu hormaro.

4. Sheegida 30 oo dhimasho ah: Sida aan ku naqaano masiibooyinka noocaan ah waxaa markasta dhacda in khasaaruhu uu mar marka kale ka soo bato, kuna bilowdo tiro yar ilaa maalmo kadib la ogaado khasaaraha rasmiga ah ee ka dhacay meesha.
5. Gaariga wadadu soomaray: Inta Muqdisho joogta waa og yihiin wadooyinka ay isticmaalaan gawaarida waaweyn iyo kuwa aya ka xiran tahay. Laga soo bilaabo Isgoyska Taleex ilaa Soobe iyo Banaadir ilaa wadada Xamar ka baxda waxaa ay u furnayd gawaarida waaweyn oo habeen iyo maalinba marta. Mana jirin sabab loola yaabo ama loo celiyo gaari weyn oo maraya wadadaas, waa sax in la is weydiiyo sababta loo soo baari waayey ee loo soo daayey, taasna waa isla xisaabtan hada socoda waana sugayna natiijada ka soo baxda baaritaanka.

6. Gurmadka dadka: Taarikhda intii Xamar qarax ka dhacayey waa qaraxii aysan dowladu u kala harin madaxdeeda iyo maamulka gobolka Banaadir, heer waxaa madaxdu gaartay in galab iyo subaxba ay booqdaan isbitaalada, goobaha gurmadku ka socodo, qaabilitaanka wufuuda keenaysa gurmadka, daabulida dhaawacyada iyo iyadoo waliba hab maamus ahaan ay noo muuqatay Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ku soo dhaweynaya garoonka saraakiil caafimaad iyo wasiiro, isagoo u muujinaya ilaa xadka ay ku farax san yihiin gurmadka ay la soo gaareen, waxaa marna doorkiisa la inkiri karin Godoomiye Taibit oo habeen iyo maalin u taagnaa gurmadka iyo caawinta dadka dhibataaysan isagoo waliba shaqada gacmaha kula jiray oo qofna aan ku aaminaynin.

Xildhibaan Mahad waxaan xasuusinayaa inuu ka mid ahaa madaxdii ka qayb galaysay xafladii 1 Luuliyo 2016, ee ka socotay gobolka Banaadir, halkaas oo heeso iyo ciyaaro kala duwan ka socodeen, halka qarax ka dhacay 6 saac ka hor xaflada Hotel Naaso Hablood 1 ee ku yaala No. 4 ay ku naf waayeen 20 qof, intaa kabadan ku dhaawcmeen. Waxaa dad badan habeenkaas la murugaysnaayeen Wasiir Burci Xamsa oo ahaa Diwaankii Soomaaliya, qolkiisu ku dumaay aan Maydiikisa xataa laga soo saarin ilaa subixii danbe.

Xildhibaane habeenkii xaalku ma kula saxsanaa, mase ka hadashay in aysan munaasab ahayn xafladayn iyadoo dhiiga shacbku quban yahay laamiga no, 4 gala, Wasiir dowlada ka tirsana XFS wali meydkiisa aan laga soo bixin qolkiis oo ku dumay.

Mudane Xildhibaane ma xisaabin karno wax dhacay xiligaad masuuliyad weyn ka soo qabtay dowladii hore, galaangal badana aad u lahayd, walina amaan mooyee dhaliil kaamanaan maqal, fadlan isku day inaad qoraalada u badasho dhiiri galin dhanka gurmadka ah iyo wacyi galin bulsho, xiligii la is dhaliili lahaa lama joogo, fagaaryaal badan oo siyaasada lagu falanqeeyo ayaan naga horeeya ee fadlan qaybtaada ka qaado gubaabinta shacabka Soomaaliyeed si loo helo gurmad deg deg ah, mucaarad iyo mu’ayidna aan u wada jeesano samatabixinta walalheena dhibaataysa.

By-Diraac Salaad Fagaase

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (4)

  1. Maxamed nur says:

    Madaxeyne farmaajo dhibka heysta waxa waaye kuwa dalkaan kadegi la oo cadowga umada ushaqeeyaan sida c.c.rashiid mahad salaad fiqi xidig iyo kuwo kale aanan marna dantoodi kadhex arkin somaliya oomideysan awoodna leh nawad iyo barwaaqo kunool dadka oo dhana weey ujeedaan ee farmaajo geesi ma. ahan waaliska handedaa goaan geesinimo leh inuu kaqaato ayey eheed xataa hadii uubaqaayo wexey eheed dadkii shalay taageersanaa inuu si cad farta ugu fiiqo kuwa uu kadhaqaaqi layahay xataa inuu runta kasheego dhiibitaankii qalbi dhagax shacabka ayaa katashan lahaayeen kuwaan duleysan xataa waan maqalnay nin masuul ah xildhibaan ah ooleh dowladii kacaanka gobolada dhexe ayaa laga dumiyey adigana sidaas ayaan kaaga dumineynaa oo waxa uudhoorsanaayo farmaajo muxuu yahay dilkii bariire ee shabaabta lagu dilay suldaanka hawar gidir ayaa yiri si xishood la.aan ah farmaajow hadaad kajawaabi qeeysid 24saac villa somaliya ayaan kaa soo saareynaa isaguna wuuba baqay shabaabtii ladilay wuxuu yiri shacabey ahaayeen diyadoodina waa diyaar adeeroow farmaajo waxaad duleysay ood meel ugu dhacday dhaartii aad dhaaratay iyo shacabkii kuuheystay inaadan marna kagambaneynin xaqa xataa hadii aad kunaf waayneysid madaxwene maalin walbo iska handadayaan xildhibaan siyaasi dulioway maad isaga tektid ileen janno kugelimeysid xilka 4sano soo socotana sidaan ayeey kuugu dheganaan doonaan ileen horaa looyiri ishiisa la.arko ushiisaa lagutumaa ee umada waqti haka luminin

  2. Najiib says:

    Runti lama joogo xili la is dhaliilo! Lama joogo xili mucaarad iyo muxaafid la iskugu jawaabo! Hala sugo barista socoota. xaqiiqti madaxweynaha, risalwasaraha, wasirada, inta badan xildhibanada, iyo shacabkuba weey daadaleen.

  3. Amina says:

    @Mohamed nur
    walaal waad mahadsan tahay ,qof kasta oo wax yar oo damiira leh wuu ka damqanayaa ,hadalada qaldan ee farmaajo dadka qaar hawada u mariyaan,gaar ahaan meesha aad timaantay.
    farmaajo dulqqad iyo samir badan buu ka doorbiday baa muuqata ,waxaase la yaab ah -nimanka si qabiileysan maalin walba farmaajo farriimaha ugu diraya miyeysan ku darsan inaan farmaajo samada ka soo dhicin ,oo uu qabiil ka soo jeedo-
    ma suuragalbaa-in loo aamusnaado,hadalada gardarada ah ee ay afuufayaan-fiqi ,mahad ,A/shakuur ,qeybdiid bukhaari iyo kuwo kaleba waxaa kasii daran dhaqankii (suldaanka gaar ahaan)oo mooryaanta ka afxumaaday.
    nimanku miyey wada dulloobeen oo wax isqabtaa kuma harin miyaa habargidir .
    farmaajo qabiil mana ku dhaqmo ,mana ku iman ,ee yaan qabiil la barin ,oo lagu qasbin —
    ciddu ha xishooto ,ha isqabato ,haddii kale wax badan baa hallaabi doona.
    wa bilaahi tawfiiq

  4. Raage says:

    @Mohamed Nur

    Ishaad ka ridday, Farmaajo maaha nin wakhtigan adag Dalka dhibka ka saari kara, ninku wuxuu isku darsaday fulaynimo iyo doqonimo xataa hadalkiisu waa kii ciyaalka xaafadda, marka nin xataa aan hadalka kugu qancin karin dal ma hoggaamin karaa? waxay ahayd of in uu dadka tuso in aan ninna sharciga ka weynayn, laakiin maxay kugu taallaa wuxuu noqday nin haddii shimbir agtiisa ka duusho orod oodda jabin. adeerow haybad madaxwene malihid, halabuur ma lihid, geesinimo warkeedaba daa, xigmad ha sheegin, marka ninyohow ku noqo meeshaad ka timid illeen waxba soo kordhinmayside.




ADVERTISMENT

LATEST NEWS

TOP DHAGEYSO:-Qaramada Midoobay Oo Walaac Ka Muujineysa Saldhiga Milatari Ee Imaradka Carabta Ka Furaneysa Mamulka Somaliland
- Nov 18, 2017
Warbxintani kasoo baxday Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in Burcad Badeeda soomaaliya ay soo ...
Wasiir Beyle oo ku howlan horumarinta Canshuurta +SAWIRO
- Nov 18, 2017
Wasiirka Wasaarada Maaliyada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Dr. Cabdiraxmaan Beyle ayaa waxuu ka hadlay ...
TOP:-Mamulka Jubbaland Oo U Diyaar Garoobay Marti Gelinta Tartanka Ciyaaraah Gobollada Dalka
- Nov 18, 2017
Madaxweyne kuxigeenka koowaad dowlad goboleedka jubbaland  maxamud sayid aadan ayaa daahfuray shirweyne looga hadlayay ...
Madaxweyne Siilaanyo oo si kulul uga hadlay khilaafka doorashada Soomaaliland
- Nov 18, 2017
Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland  Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” ayaa ka hadlay doorashada Soomaaliland oo 13 ...
Guddiga doorashada Soomaaliland iyo Xisbiga Wadani oo kulan ku yeeshay hargeysa
- Nov 18, 2017
Guddiga doorashada madaxtinimada Maamulka Soomaaliland ayaa maanta la kulmay Guddoomiyaha Xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Maxamed ...