DHAGEYSO WARBIXIN:- Banaanbaxyo Waaweyn Oo Weli Ka Socda Muqdisho

0

Maanta Muqdisho waa ay ka duwan tahay Maalmihii la soo dhaafay waxaa inta badan xiran Goobaha Ganacsiga iyo Wadooyinka qaar, waayo waxaa ka jira Dibadbaxyo Waaweyn kuwaas oo Magaalada laga dareemay.

Boqolaal ka mid ah Shacabka Muqdisho ayaa isugu soo baxay Wadooyinka Waaweyn ee Magaalada kuwaas oo aad uga xun falkii lagu xasuuqay Boqolaalka shacabka ah ee Sabtidii ka dhacay Magaalada muqdisho.

Shacabka oo aan looga baran hadalada qaarkood ayaa Maanta waxa ay ku dhawaqayeen Erayo ay ka mid ahaayeen dooni meyno Al-Shabaab iyo Erayo kale.

Dadka qaarkood waxa ay isugu imaanayeen Taalada Daljirka Dahsoon Ee degmada Boondheere halka kuwo kale ay haatan ku sugan yihiin Garoonka Kubadda Cagta ee Banaadir Stadium.

HALKAAN KA DHAGEYSO