AKHRISO:- Wargeyska Firenze Repubblica oo daabacay in Gaariga ku qarxay Muqdisho loo malaynayo in Talyaaniga lagasoo dhoofiyay.

0

Wargayska lagu magacaabo Firenze Repubblica ee kasoo baxa dalka Talyaaniga ayaa daabacay warbixin uu kaga faaloonayo qarixii ka dhacay Muqdisho 4 cisho kahor, wargaysku wuu yiri:- Gaariga ku qarxay Muqdisho waxaa loo malaynayaa in laga dhoofiyay Talyaaniga, 5 qof ayaa loo xiray baaristuna waxay ka socotaa magaalada Florence.

Wargaysku wuxuu intaa ku daray:-

Garsoorayaal iyo baarayaal ayaa ka wada dabagal gobolka Tuscany caasimaddiisa Florence ee dalka Talyaaniga, dabagalkaasoo muddo socday kahor inta uusan qaraxu ka dhicin magaalada Muqdisho ayay baarayaashu waxay tilmaamayaan in si sharci darro ah dalka Talyaaniga looga dhoofiyo baabuurta milatariga dalkaasi iyagoo furfuran kaddibna Soomaaliya la geeyo.

Wargaysku isagoo ka hadlaya baarista ka socota Florence wuxuu qoray:-

Maalmo kahor waxaa la xiray dhowr qof oo 4-kamid ah ay Soomaali yihiin kuwaasoo daggan gobolka Tuscany iyo qof u dhashay Talyaaniga, Shaqsiga Talyaaniga ah ayaa leh shirkad ka ganacsata gawaarida taasoo lagu tuhmayo inay dhoofiso qalabka ciidamada.

Isagoo faaqidaya arrinta ayuu wargayska Firense yiri :-

Baarista socota waxaa ku lugyeeshay 16 qof, waxaa ku jira labo Soomaali ah oo bixiyay kharashka baabuurta loogu dhoofiyo Soomaalia, waxaana loo malaynayaa in gawaarida oo dhammaystiran ama furfuran la dhoofiyay. Waxaa kaloo warbixinta lagu xusay in mid kamid ah xawilaadaha Soomaalidu ay fududeeyaan kala wareejinta kharashka.

Wargaysku wuxuu sii raaciyay:-

Dabagalkan waxaa ka qayb qaadanaya xeer ilaaliye ku xigeenka magaalada Florence Mr. Giuseppina Mione, warbixinta lagasoo xiganayo Soomaalida kulug leh arrinkaan ayaa la aaminsan yahay in qalabka gawaarida oo furfuran inay dhoofiyaan, waxaase jira shirkado Talyaani ah oo u fududeeya sidii loogu dhoofin lahaa Soomaaliya, siyaabaha ay ugu fududeeyaan ayaa lagu tilmaamay inay u jarjaraan biraha kana dhigaan kuwa la dhoofin karo oo sharci ah. Waana dambi weyn i gawaarida milatari qalabkooda la dhoofiyo siiba Soomaaliya oo ay saaran tahay cunaqabatayn hub ama qalab milatari in loo dhoofiyo.

Warsiduhu wuxuu raaciyay oo kale:-

Horey uma dhicin in qalabka gawaarida milatari oo furfuran la qabto, laakiin 2006 ayay Qaramada Midoobey ku eedeysay Talyaaniga & dalal kale inay jabiyeen sharciga qeexaya inaan Soomaaliya qalab furfuran oo milatari ama hub aan loo dhoofin karin, taasoo dowladda Talyaanigu ay inkirtay inay Soomaaliya u dirtay 18 gawaari milatari ah, waxayna dowladda Talyaanigu eedeyntaas kaga jawaabtay sidan “Waxaa macquul ah in qalabkan gawaarida milatari ee ay kala furfureen ciidamadeena iyo gawaaridaas laga gatay suuq ku yaala magaalada Bari ee dalka Talyaaniga kaddibna la geeyey Dubai oo loosii gudbiyay Soomaaliya.

Si kastaba ha noqotee, ma muuqato in sanadaha soo socda xukuumadda iyo ciidamada qalabka sida ay xoojiyeen xakamaynta hubka Soomaaliya la geeyo.

5-tii Oktoobar 2015 ayay dowladda Talyaanigu qabatay qalab ay furfureen ciidamada Talyaaniga oo ahaa baabuurta milatariga, waxaana caddaatay in xubno & ururro aan la shaacin magacyadooda oo xiriir la leh Al-Shabaab ay alaabtaas yeesheen.

Halkan Guji Kana Akhriso Wargeyska La Repubblica. it

Maxamed Jaamac Faarax
Oslo, Norway.
mjfaarah@gmail.com