Taliska ciidanka Booliiska degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose, ayaa shaaca ka qaaday in howlgal ay ka sameeyeen duleedka degmadaasi kusoo qabteen rag hubeysan oo dadka dhac u geysan jiray.
C/risaaq Aadan Cali, taliyaha saldhigga Booliiska degmada Afgooye ayaa sheegay in raggan ay kusoo xireen saldhigga degmadaasi kuwo kalena ay ku raad joogaan.
Ma aanu sheegin taliyaha tirada raggan hubeysan ee ay gacanta kusoo dhigeen, balse wuxuu ku gaabsaday in hay’adaha garsoorka u gudbiyaan markii ay raggaasi qabtaan, kuna dhameeyaan baaritaanka.
Ugu dambeyn Taliye C/risaaq ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey xaaladda ammaanka ee degmada Afgooye iyo deegaannada kale ee ku dhow, isaga oo tilmaamay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay habeen iyo maalin sameeyaan howlgallo amni sugid ah.
HALKAAN KA DHAGEYSO