TOP DHAGEYSO:- Madaxweyne Axmed Madoobe oo Dalbaday in Amniga wax laga qabto

0

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa dhamaan umadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay Qaraxii shalay ka dhacay Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa weerarka ku tilmaamay mid argagixiso oo naxdin leh kaas oo lagu xasuuqay dad rayid ahaa oo aan waxba galabsan.

Waxaa uu ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan Hay’addaha Ammaanka, Maadaama uu sheegay maalin kaste in ay dhimanayaan dad Shacab ah.

Xukuumadda Soomaaliya ayuu ka dalbaday in ay Amniga wax ka qabato,Maadaama aysan jirin cid la xukumi doono hadii ay dadku dhamaadaan.

HALKAAN KA DHAGEYSO