Al-Shabaab ayaa sheegtay dagaal La’aan in ay kula wareegeen degaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose,oo ay gacanta ku haayeen ciidamada dowladda.
Warbaahinta taageerta Al-Shabaab ayaa shaacisay in boqolaal ka tirsan Ciidamada Al-Shabaab ay degaankaasi Gudaha u galeen, islamarkaana ay si buuxda u maamulayaan.
Milatariga Soomaalya ayaa la sheegay in ay shalay bilaabeen ka bixida degaanka Bariire islamarkaana ugu dambeyntii xalay Saqdii dhexe ay ka dhamaadeen degaanka.
Ma cadda sababta keentay in ciidamada dowladda ay ka baxaan degaankaasi, oo ay qabsadeen Bilo ka hor.
Al Shabaab ayaa tiro dhawr jeer ah waxa ay weeraro kala duwan la eegteen Saldhigyada Ciidamada Xoogga dalka ay ku lahaayeen degaanka Bariire, iyaga oo halkaasi sidoo kalena ku dilay askar ka tirsanaa Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya.