Haweenku waa shayga koowaad ee muhiimka u ah nolosha aadamaha, waana aasaaska nololeed ee uu ka dhismo qof, qoyska iyo qaran walbaaba.
Haweenku waa hindisaha iyo horumarka guud ee aadmigu uu ka unkumo.
Qof walba oo horusocod kasta iyo himilo kasta oo uu rumeeyo ama uu sameeyo waxaa ka dambeysa waa qof dumar ah.
Magaalada Muqdisho waxaa labadii Maalin ee la soo dhaafay ka socday Bandhig Carweedka Dhaqanka iyo Farshaxanka.
Bandhigaan ayaa ahaa mid lagu dhiira gelinaayay Xirfada Haweenka ku dhaqan 17 ka Dagmo ee Gobolka Banaadir laguna soo nooleynaayay Hiddaha iyo dhaqanka ee dalkeena uu caanka ku yahay.
Hadii ay dhici jirtay in Haweenka Gobolka Banaadir ay ka qeyb galaan Xaflada soo dhaweynta Madaxda gobolka iyo in ay guryahooda ku egaadaan Maanta ma joogaan heerkaasi oo way ka soo gudben Maanta.
Bandhiga ayaa waxaa lagu soo bandhigay farshaxan iyo agab dhaqameedyo fara badan oo ay gacmahooda ku soo sameeyeen Haweenka Gobolka Banaadir sida ay sheegtay mid ka mid ah Haweenka soo bandhigay agab dhaqameedyada.
Masuuliyiinta sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeyb galay Bandhigaan oo ka soo dukaameystay labadii maalin ee uu socday, waxaana Masuul walbo uu kor tagay haweenka 17 degmo ee gobolka oo degmo walbo meel gaar ah ay dukaan ka sameysatay.
Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Soomaaliya C/qaadir Macalin Nuur iyo Wasiirka Wasaarada ganacsiga iyo Warshada Marwo Khadra Axmed Ducaale ayaa ka mid ahaa masuuliyiintii bandhiga ka qeyb galay.
Barnaamijka Bandhig Carweedka Dhaqanka iyo Farshaxanka intii uu socday waxaa goobta lagu soo bandhigay Cayaaro ka mid ah kuwa Hidaha iyo dhaqanka ah.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in la dhiira geliyo Haweenka Soomaaliyeed.
Gelinka dambe ee Maanta oo Sabti ah ayaa lagu wadaa in Barnaamijka Bandhig Carweedka Dhaqanka iyo Farshaxanka lagu soo gaba gabeeyo Xarunta Aqalka dowladda Hoose ee Xamar, waxaana xiritaankiisa ka qeyb galaya Madaxda sare ee dowladda.
HALKAAN KA DHAGEYSO