Mareykanka Oo Qiimeyn Ku Sameynayo Howlgallada Ka Socdo Soomaaliya

0

Xoghayaha Difaaca ee Dalka Mareykanka, James Norman Mattis ayaa waxuu sheegay in Xukuumadda Washington ay qiimeyn ku sameyn doonto howlgallada iyo tababarada uu Mareykanka ka wado Dalal dhowr ah oo ay ku jirto Soomaaliya.

Xoghaye Mattis ayaa waxuu xusay in Taliska Mareykanka ee qaarada Afrika (AFRICOM) uu sameyn doono qiimeynta howlgallada ka socda Dalalka Afrika.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa  Xoghayaha waxuu xaqiijiyay in Askari oo kaliya looga dilay Dalka Soomaaliya tan iyo bishii May ee Sanadkan 2017-ka

Waxaa uu sheegay in Askarigaasi ka mid ahaa Ciidamada Mareykanka uu dhintay xili uu socday howlgallada ka dhan ah Xarakada Al Shabaab.

Mareykanka ayaa weeraro dhowro ah oo dhanka cirka ahaa ka fuliyay qeybo ka mid ah Koonfurta iyo Bartamaha Dalka Soomaaliya, iyadoo Xukuumadda Washington ay sheegtay in Weeraradaasi lagu beegsaday Xubno ka mid ahaa Xarakada Al Shabaab.