FAALLO:- Somaliland Gobollada Dimuqraadiyada Soomaaliya.

0

Somaliland, waa qeyb kamida Soomaaliya waana Waqooyi Galbeed Soomaaliya, Caasimadda Maamulka Somaliland waa Hargeeysa, Somaliland 1991, waxay ku dhawaaqday inay Soomaaliya ka go’en kana madax bannanyihiin Soomaaliya Adduunkana ictiraaf ka rabta welise ma aysan helin Aqoonsi Dawlad gooniya waana mida aan u istacmaalay inay yihiin qeyb kamida Soomaaliya, Gooni isu taaga Somaliland wuxuu yimid kadib markii Dawladdii dhexe ee AUN’E Madaxweyne Maxamad Siyaad Barre,ay meesha ka baxday 1991, xiligaas oo ay Jabhaddii Dhaqdhaqaaqa Qaranka Soomaaliyeed, Somali National Movement (SNM) ay gacanta ku dhigeen Gobollada Waqooyi Galbeed Soomaaliya (Somalind).

Somaliland waxa lagu yegleelay Magaalo madaxda Gobolka Togdheer ee Burco 18kii May 1991kii. Waxa Burco iskugu yimi oo go’ aan wada gaaray inta badan Beelaha Somaliland waxayna ku heshiyen koow inay is cafiyan deedna dhistan Dawlad ugoo niya.

Maamulka Somalind waxaa ka jira Seddex Golle, oo ah hannanka Dawladnimo Golaha wakiillada, Golaha Guurtida iyo Golaha fulinta, waxaa siidheer Golaha garsoonka. Somalind hannaanka dimuqraadiyaddeed ee ay dhisten kuna heshiiyeen waa mid u saamaxay inay ku naloodan nabad iyo xasilooni muddo 26, sanno ah waxayna ka dimuqraadisan yihiin Dawladdo badan oo kuyaal Afrika iyo Asiya in kastoo aysan iyagu Dawlad la aqoonsan yahay ahayn.

Somaliland waxaa ka dhisan seddex Xisbi, Xisbiga Kulmiye, oo hada talada haya , Ucid iyo Wadani, Somalind Nofeembar 2017, waxay u dariiri doonan Doorashada Madaxweynenimo waxana ku loolami doona seddexda Xisbi waxaana sharraxan seddexda Guddoomiye xisbi qeybta hoose ayan ku sharrixi doona siyaasiinta u sharaxan xilka Madaxweynenimo ee Somaliland.

(Is barbar dhig Somaliland iyo Puntland)

Puntland waa qeyb kamida Soomaaliya waxay dhisan tahay 19, sannadood, waana ismamulkii labad ee ladhisay kadib burburkii dawladdii dhexe ee Soomaaliya Puntland dhanka siyaasadda waa ka duwan tahay Somalind waana maamulkii koowad ee hannanka Federalka lagu saleeyey” waxay ka dhaqaalo badan tahay Somalind waxayna ka dhul weyntahay Somaliland.

Puntland 19, sanno waxay u gudbi la,dahay hannaanka Somalind oo kale oo ah mid shacabku doortan xildhibaanada iyo Madaxwenaha doorashadii ugu dambeysay ee Puntland ka dhacday Waxaa Maamul Gobolleedka Puntland isu soo sharraxay in ka badan 20, musharax, waxana ka guuleystay Cabdiweli Maxamad Cali Gaas, wuxuuna xilkas ku helay inuu ballan qaaday inuu Puntland u rari doono Degal Dimuqraadiyad ah 2019,na PLD) codbixinta doorashada loo wada dareeri doono laakiin hada oo xilkiisii ay ka harsan tahay hal sanno, iyo dhawr bilood weli ma muuqato sansan looga guurayo hannankii qabaliga aha xasuusnoq Puntland Midnimada Soomaaliya ma diidana.

Koonfurta Soomaaliya oo ay madax u tahay Muqdisho oo ah Caasimadda Soomaaliya waxaa marka dorasho Madaxweyne dhacayso isu soo sharrax in ka badan 30, musharax, halka Somalind ay Seddex keliya isu sharaxaan jigada Madaxweynenimo, soo Gobolladdii Dimuqraadiyadda mahan Somalind?.

Waxa xilka Madaxtinimo ee Somalind u tagan Seddex musharax oo can ka ah Soomaaliya, waa Rag Seddexaduba, waana seddex Nin oo Jamhuuriyadii dimuqraadiga ee Soomaaliya usoo shaqeyey.

1, Enjineer, Faysal Cali Waraabe, musharax Madaxweynenimo ee Soomaalind 2017, waa Enjineer, wuxuu labo jeer so baratamay Madaxweynenimada Somalind kumase guuleysan. Faysal Cali Waraabe, wuxuu soo noqday 1976 ilaa 1981 wuxuu ahaa Agaasimaha waaxda qorsheynta iyo Dhismaha ee wasaaradda hawlaha guud. 1981i ilaa 1984, Feysal Cali Waraabe wuxuu noqday Madaxii engeneerada dowladdii Hoose ee Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, Feysal inta badan wuxuu saxaafadda ka sheega, gooni isu taaga Gobollada waqooyi Galbeed Soomaaliya Somalind), inay tahay muqadas, wuxuuna adeegsada Erayo, ay ka mid ahayeen Qofkii Soomaaliya laga maqlo Carrabka ha laga gooyo. Waa Guddoomiyaha xisbiga Ucid Koonfurta Soomaaliya wuxuu u yaqaan Walaweyn, oo ah Degmo kamida Gobolka Shabeelaha hoose.

Musharax Muuse Biixi waa sargaal Duuliya 1970-kii waxa uu ka midnoqday ardeydii loo-qaatay in loo-soo tababaro carbiska saraakiisha oo uu kusoo-qaatay waddanka ruushka Akadammiyada-barashada cilmiga duulimaadka diyaaradaha gaar ahaan nooca dagaalka (Fighter-bomber aircraft-M28). soo-noqadkiisi waxa uu ka midnoqday Ciidamadii-cirka ee Soomaaliya kuwoodii ugu cad-cadaa xaga ciidamada Militeriga ee Cirka. Waa Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye.

Musharax Cabdiraxmaan Cirro, 1981-1988, wuxuu soo noqday uqeybsanaha Madaxa-waaxda iskaashiga dhaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Debedda ee Somalia.1988-1991-wuxuu soo qabtay Qunsulkii dan wadaagaha safaaradda Ruushka u fadhiyey Soomaaliya .1997-1998 wuxuuna soo noqday Guddoomiyaha Golaha wakiiladda Somaliland waana Guddoomiyaha xisbiga Wadani.

Seddexduba waxay ka siman yihiin gooni isu taaga Somalind

1,Madaxweyneyaashii Somaliland soo maray Cabdiraxmaan Axmed Cali Tuur wa madaxweynihii ugu horeyey,
2, Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamad Ibrahin Cigaal
3, Daahir Riyaale Kaahin,
4, Axmad Maxamad Maxamuud Siilanyo

Siyaasiinta Somaliland markii la weydiiyo Midnimada Soomaaliya waxay xujo ka dhigan markii Koonfuri dawladnimada ku heshiiso hanala hadlan bal Koonfuri ha heshiiso iyo waanu ku hongownay midnimadii lixdankii.

Xasuusnow waxaa jira wada hadal u dhexeya Somaliland iyo Soomaaliya, waa sida ku qoran warqadaha wada hadalka, ee Turkigu hormuudka ka yahay..

Hambalyo ayaan leeyahay nabada iyo xasiloonida maamulka Somaliland, waa qeyb kamida Soomaaliya oo ah Gobolladii Dimuqraadiyadda Soomaaliya

 

W/Q Cabdinuur Faarax Maxamuud
Email-abdinuur02@gmail.com

Cabdinuur Faarax Maxamuud waa Falanqeeye arrimaha bulshada.