DHAGEYSO WAREYSI : Siyaasiyiintii Lagu xir-xiray Garowe, oo Loo Sii Gudbiyay Jeelka Boosaso

0

Magaalada Garowe ee xarunta Puntland ayaa Shalay lagu xiray afar Qof oo isugu jiray siyaasiyiin, ganacsato iyo wargarad.

Raggaasi la xirey, ayaa dhawaan madal ay ugu magac dareen “Madasha Badbaadinta Puntland” halkaasi kaga dhawaaqay, isla markaana ka soo horjeestay shirkii maamul goboleedyada ee Kismayo ka dhacay.

Siyaasiyiinta iyo ganacsatada la xirey ayaa waxaa ka mid ah C/rixmaan Siciid Maxamud (Dhegawayne),Daahir Ciiro iyo Feysal Faarax Cali. Dhamaan dadka la xirey ayaa hore xilal ugaga soo qabtay dowlada dhexe iyo maamul goboleedka Puntland waxana ay ka soo horjeesteen shirka Kismaayo.

C/rixmaan Dhagaweyne oo isagoo ku Jira Xabsiga la hadlay VOA ayaa ku tilmaamay xarigooda inuu yahay mid xoriyada hadalka oo ay san wax dambi ah gelin, islamarkaana uu Ka danbeeyay Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

Dhinaca kale, gudoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Cabdullahi Fara-weyne ayaa sheegay in ragga la xir-xiray ay urur sharci darro ah kaga dhawaaqeen Puntland sidaa daraadeedna ay ku muteysteen in la xir. Waxa uu Fara-weyne sheegey in raggaasi maxkamadna la soo taagi doono.

Faraweyne Ayuu sheegay inuusan Dastuurka Qabin in La sameysto madal siyaasadeed, isagoo beeniyay in Madaxweynaha uu amray Xariga Siyaasiyiintan.

Warar kale oo lagu kalsoonaan karo oo ay heleyso all-Galgaduud ayaa sheegaya in ragaani loo soo gudbiyay jeelka weyn ee magaaladda Boosaso