TOP NEWS:- Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Muqdisho ugu yeertay dhamaan madaxda maamul goboleedyada.

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku casuuntay Madaxda maamul goboleedyada inay shir deg deg ah isugu yimaadaan magaalada Muqdisho dhamaadka bishan.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Eng. C/raxmaan Yariisow ayaa sheegay in Madaxda maamul goboleedyada loo diray casuumaad inay yimaadaan Muqdisho.

Eng. Yariisow ayaa sheegay in baaqii ka soo yeeray Madaxweyne Farmaajo ee ahaa in laga wada shaqeeyo midnimada iyo wadajirka ayuu sheegay in Golaha Wasiirada ay soo dhoweeyeen.

“Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha waxay casuumaad rasmi ah u direen Madaxda dowlad goboleedyada, si looga hadlo xiriirka iyo wada shaqeynta”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

Isku soo wada duuboo Madaxda maamul goboleedyada ayaa dhawaan shir ay ku yeesheen magaalada Kismaayo ka soo saaray war murtiyeed ka kooban dhowr qodob, waxaana ay muujiyeen tabashooyinka ay ka qabaan Xukuumadda iyo sida aanu xilligan u wanaagsan xiriirka dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.