TOP DHAGEYSO : Wasiirka Gaadiidka ”Hay’addaha Degan Agagaarka Garoonka Aadan-Cadde Dhibaato Ayay Ku Yihiin”.

0

Maxamed Cabdullaahi Salaad Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya ayaa sheegay in Hay’addaha dhismayaasha ku leh Agagaarka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho aan la ogolaan doonin.

Waxa uu sheegay in ay dhibaato ku yihiin ballaarinta Garoonka Diyaaradaha isla markaana ay horay u horgeeyeen golaha Wasiirada isla markaana wadahadalo ay uga guurayaan uu socdo.

Waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in Wasaaradu ay Agagaarka Garoonka ay kaliya u ogolaan doonaan Shirkadaha waxtarka u leh Garoonka inta kalena ay jawaabta ka sugayan Golaha Wasiirada Soomaaliya.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Gaadiidka