FAALLO:- DIBIGA ISBEYN IYO SHACABKA SOOMAALIYEED MAXAY ISKAGA EG YIHIIN!?

0

Waxaa jira Cayaaro la yiraahdo cayaarta Dibiyada oo laga ciyaaro waddanka Isbeyn. Waxaa la xareeyaa dibiyo fara badan oo dad- dilyo ah. Sidoo kale waxaa la diyaariyaa oo la carbiyaa rag warmaha si fiican ugu dagaali yaqaan.

Dabadeedna waxaa la soodaayaa dibi dibiyadii ka mida waxaana banaanka kusugaaya nin warmo badan iyo maro gaduudan ama cas hadba kii looyaqaanno, gacmaha ku kala haysta. Markaas ayuu maradii gaduudeeeyd tusaa ama u taagaa. Mar walba oo uu dibigu marada raaco ayuu waran tuurta kaga dhuftaa.

Waxa la dhihi karaa marka koowaad wuu ilduuufay. Mar labaad ayuu haddana waran kale ku dhuftaa.Taasna waxaa la dhihi karaa mar labaad bay ka hoos baxday. Haddana mar saddexaad ayuu sidii oo kale ku sameeyaa. Markanna waxaa la dhihi karaa dhaawicaas fara badan buu la jaah-wareeray!

Sidaas ayaa warmuhu ugu socdaan ilaa uu ka dhinto!

Soomaalidu iyadoo qaran ah ayaa teneg mucaaradnimo oo qabiil huwan loo tumay, Dagaal hubaysan oo cadowgoodii dabada ka wado ay dalkii kula soo jeesteen qarannimadiina ku dumiyeen. Kuwaasi waa guruub, koox kaloo labaadina waa dagaal-oogayaashii ka danbeeyey ee raqdii qaranka dul fariistay.

Waxaan taas in badan ka fogeyn kacdoonkii is-huwanta ahaa ee la magac baxay ”Midowga maxaakiimta” dabadeedna, duulaankii xabashida kadib, u kala baxay kooxo kala dan iyo aragti ah!
Taasna waxaa ku xigey maamul-goboleedyo beelaysan oo midnimadii qaran lagu kala dhantaalay, dalkiina u sii nugleysey faragelin qaawan oo shisheeye oo hor leh, ilaa ay madaxweynayaashii maamul gobaleedyadu u xuub siibteen wax u dhaqan eg dagaal oogayaashii aynu kor ku soo xusnay!

Haddaan is-bar dhigno labada dhacdo, dibiga iyo shacabka Soomaaliyeed, ma la oran karaa midkoodna weli ma garanin waxa ku dhacayey ee dil dibindaabyo ah.

 

W/Q: Khalid Egal
khalidegal@hotmail.com