DHAGEYSO:- Shariif Xasan oo qiray in Madaxda Koonfur Galbeed Xabis kor ka furan ku jiraan

0

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in ay wadaan qorshe Dowladda Federaalka, Koonfur Galbeed, AMISOM ay ku doonayaan sidii Al-shabaab looga saari lahaa guud ahaan dalka gaar ahaan degaanada Koonfur Galbeed.

Wuxuu sheegay Ciidanka Dowladda Federaalka, kuwa Koonfur Galbeed iyo AMISOM in hada ay wadaan dadaalo ku aadan sidii Shabaab ay dalka uga saari lahaayeen, lana sii kordhinayo howlgalada.

Shariif Xasan ayaa sidoo kale sheegay Madaxdii Maamul Goboleedyada ee isugu tagtay magaalada Kismaayo in ay isla garteen sidii Dagaal mideysan loola geli lahaa Shabaab.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in dadka ku nool deegaanada Maamulkiisa ay qabaan dhibaatooyin kala duwan isla markaana ay ku jiraan Guri kor ka qufulan.

Degaanada u dhaxeeya Magaalada Muqdisho iyo Baydhabo ayaa waxaa la sheegaa in ay ku sugan yihiin xubno ka tirsan ururka Al-shabaab oo inta badan wadada u gala Gaadiidka Dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed.

HOOS KA DHAGEYSO

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here