WAR DEG DEG AH:- Cabdiwali Gaas oo Xabsiga Garowe ku Guray Siyaasiyiin Xalay, Ka qeybagalay Dood Ka Baxday Warbaahinta (Daawo)

1

Saldhiga dhexe ee Magaaladda Garowe waxaa lagu xiray Maanta oo Jimce ah xubno ka tirsan Madasha Samata bixinta Puntland, oo Dhawaan looga dhawaaqay Magaaladda Garowe.

Xubaha la xiray waxaa ka mid ah Dr. C/rixmaan Siciid Maxamud (Dhegawayne) oo xilal kala duwan Puntland, ka soo qabtay.

Daahir Ciiro oo horay u noqday Xildhibaan Dowladii Fedraalka KMG aheyd ee Soomaaliya, Gaancsade Duni Maxamed Guulato iyo Faysal Faarax Cali.

Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cumar Cabdulaahi Farawayne ayaa Xaqiijiyay in amarka lagu xiray uu bixiyey Gudiga nabad Galyada gobolka Nugaal isla markaana ay ku eedaysan yihiin khalkhalgalin Amniga iyo xasiloonida Puntland .

Siyaasiyiinta iyo xubnaha la xirayay ayaa dhawaan dhaliilo warbaahinta u mariyey madaxwayne Gaas iyo xukumadiisa .

Dr. C/rixmaan Siciid Maxamud (Dhegawayne), ayaana Kamid ahaa Martidii Xalay Ka qeybgashay Barnaamij dood ah oo ka Baxayay TV-ga SBC Kaas oo looga hadlayay Qodobadii ka soo Baxay shirkii maamul Goboleedyada ee kismaayo iyo Is heysadka Awoodaha Nidaamka Fedraalka.

Halkaan Hoose Daawato Doodii Xalay.

Comments are closed.