DAAWO+WARBIXIN:- Waa kuma ninka u kala dillaalay Maamul Goboleedyada iyo Dowlada Imaaraatka?

2

Thomas B. Coleman waa dillaalka u kala dab-qaaday Madaxweynaha Galmudug Xaaf iyo Dowladda Imaaraatka Carabta si loo carqaladeeyo siyaasadda arrimaha dibedda ee DFS, waana ninkii usoo dhammeeyey Maamul goboleedada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed lacag dhan 15 Milayn oo Doolar in ay qaataan bil walba muddo sanad ah, si ay u fuliyaan siyaasadda Imaaraatka Carabta iyo Ajandayaasha ay ka leedahay Soomaaliya.

Thoman B. Coleman waa Mareekan asal ahaan kasoo jeeda Kuuriyada Koonfureed. Wuxuu kamid ahaa Ciidamada Badda Mareekanka, halkaas oo uu muddo kasoo shaqeeyey, wuxuu ku guulaystay hawlgallo ay kasameeyeen Ciidamada Badda Mareekanka waddamada Honduras iyo Nicaragua oo dhaca Koonfurta Mareekanka.

Kadib wuxuu ku biiray FBI (Waaxda Denbi Baadhista Mareekanka) wuxuuna ka shaqeyn jiray Xarunta ugu weyn FBI ee gobolka Virginia. Waxaa loo tababaray diblomaasiyada iyo xidhiidhka Caalamiga ah, si uu ugu shaqeeyo sirdoonka Mareekanka, wuxuu inbadan kasoo shaqeeyey waddamada Khaliijka iyo Ciraaq.

Dhammaadkii siddeetamaadkii waxay isguursadeen Mayada Alkaisi oo u dhalatay waddanka Ciraaq, waxayna u dhashay 4 gabdhood, wuxuu kamid ahaa saraakiil sirdoon mareekan ah oo ciraaq ka hawl geli jirtay.

Sidoo kale wuxuu tababaro u sameeyey ciidamada badda ee Sucuudiga sanaddadii 1991, isagoo markii danbe waxbadan ka shaqeeyey shirkad ay leeyihiin Khaliijiyaan maal qabeeno ah.

Madaxweynaha Liibiya Mucamar Alqadafi ayuu la kulmay dhawr mar, isagoo kala shaqeey jiray khalkhalgelin waddanka Chad iyo Suudaan, wuxuu tababaro u sameeyey ciidamada Badda Liibiya.

Sanadkii 1994 ayuu usoo wareegay Magaalada Abudhabi ee xarunta Imaaraatka Carabta isaga iyo Qoyskiisa, wuxuu ahaa lataliye la shaqeeyn jiray shirkado Imaaraat ah.

Hadda waa madaxa maamulka shirkadda Levant Suez Consulting Corp. oo ah shirkad ka shaqeysa latalinta madaxda dowladaha iyo ganacsadayaasha waaweyn heshiisyada iyo wada xaajoodka ay galayaan, sidoo kale waxay kala dillaashaa hantiyada waaweyn ee dalalka iyo ganacsadayaasha waaweyn ay kala goosanayaan.

Bilowgii qalaalasaha Khaliijka, ayaa madax ka socota Shirkadda Levant Suez Consulting Corp. waxay yimaadeen Muqdisho, iyadoo Safaaradda Imaaraatku ay waddanka soogelisay, waxay la shireen dilaalo ka socday madaxda maamul goboleedada.

Waxaa xusid mudan in shirkadda Levant Suez Consulting Corp. fadhigeedu yahay magaalada Abudhabi ee Imaaraatka , balse ay ku leedahay laamo kala duwan khaliijka oo dhan.

Ugu danbeyntii waxaa soo baxday in shirkaddan ay ku casuntay Madaxweynaha Galmudug Xaaf Imaaraatka, si loo dhameeyo lacag ay ku heshiiyeen inay siin doonaan Galmudug iyo Maamul goboleedada kale ee la safta Imaaraatka si ay u go’doomiso DFS waddanka Qatar oo ay uga mid noqoto Xulufada ay hoggaaminayaan Sucuudiga iyo Imaaraatka balse ay mowqif cad ka qaadatay Soomaaliya in qalalaasaha Khaliijka ay ka tahay dhexdhexaad.

Waxaa jirta iyadana warar sheegaya in Puntland iyo Somaliland ay iyana qaateen lacago, waxaa dhammeeyey oo ka shaqeeyey arintaas Raysalwasaarihi hore CCC oo isagu u ah lataliye Dowladda Imaaraatka ee Geeska Afrika.

W/Q: Falastiin Axmed Dhore

Comments are closed.