WARBIXIN : Iran oo Puntland ku eedeysay in ay toogasho ku dileen Kabtanka Markab ay leedahay

0

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran oo lagu magacaabo Bahram Qassemi ayaa cambaareeyay howlgalkii 8-dii bishan Ciidamada Puntland ay ku soo qabteen Dooni Kalluumeysi oo laga leeyahay Iran, taasi oo Puntland ay ku eedeysay in ay si sharci daro ah uga kalluumeysaneysay xeebaha Puntland.

“Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran waxa ay si dhab ah ula socotay weerarka lagu qaaday Dooni Kalluumeysi oo Iran ay leedahay, waxaan si ah aad u cambaareyneynaa dhibaatada soo gaartay muwaadiniinteena.” Ayuu Bahram Qassemi u sheegay ISNA.

Sidoo kale Bahram Qassemi ayaa masuuliyiinta Puntland ugu baaqay in ay si wanaagsan ula dhaqmaan muwaadiniinta ka soo jeeda dalka Iran, oo ay ixtiraamaan bani’aadanimada.

Ciidamada Badda Puntland ayaa dhawaan Sheegay iney howgal ay sameeyeen ku soo qabteen dooni si sharci dara ah oga kalumeysanaysay xeebaha soomaaliya, waxaana intii howlgalku socday ku dhintay Naaquudihii waday Doonta

Korneel Maxamed Cabdi Xaashi oo ah Taliyaha Ciidamada Dekedda Boosaaso ayaa sheegay Ciidamada ammaanka in ay gacanta ku dhigeen 8-dii bishan Doon laga leeyahay dalka Iiraan, taasi oo laba maalmood ka hor soo gashay Soomaaliya.

Taliyaha Ciidamada Dekedda Boosaaso Korneel Maxamed Cabdi Xaashi ayaa sidoo kale sheegay in Doontan ay saarnaayeen 18 qof, intii uu howlgalkan socdayna lagu dilay Kabtanka Doonta, halka sidoo kalena la dhaawacay Badmaaxe.

Wuxuu sheegay dhammaan ragga kale ee badqaba tiradoodana ay gaareyso 16 in ay u gudbiyeen Hay’adaha Garsoorka, si sharciga loo horkeeno.