TOP-NEWS: Colaada Abuu Mansuur iyo Al Shabaab oo markale bilaabatay

0

Waxaa markale dib u qarxay Dagaal Culus oo u dhaxeeyay Xoogaga Xarakada Al Shabaab iyo maleeshiyaad hubeysan oo daacad u ah hogaamiyihii hore ee Al Shabaab, Sheekh Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii Xubno ka tirsan Xarakada Al Shabaab ay weerar ku qaadeen Dagaal yahanada Abuu Mansuur Rooboow oo ku sugan Degaanka Abaal ee Duleedka Magaalada Xudur ee Gobolka Bakool.

Dadka Degaanka qaarkood ayaa sheegay in Dagaalka ay ku dhinteen ugu yaraan labo Ruux, islamarkaana ay ku dhaawacmeen 4 kale oo dhinacyadii Dagaalamay ka mid ah.

Xiisada u dhaxeysa labada dhinac ayaa weli taagan iyadoo Xarakada Al Shabaab ay tiro dhowr jeer ah weerar ku qaadeen Xoogaga Sheekh Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur.

Degaanka Abaal ayaa haatan waxaa gacanta ku haya Xoogaga daacada u ah Abuu Mansuur Rooboow.

Dhawaan ayee aheyd markii Sheekh Mukhtaar Abuu Manshuur Rooboow uu ku dhawaaqay in uu isaga baxay Xarakada Al Shabaab, kadib markii laga soo duuliyay Gobolka Bakool, lana keenay Magaalada Muqdisho.