TOP-NEWS: Ciidamada Kenya oo dib ugu soo laabtay qeybo ka mid ah Gobolka Gedo

0

Boqolaal ka mid ah Ciidamada Dowladda Kenya oo qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa fariisimo kala duwan ka sameystay Degaano ka tirsan Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

Korneyl Maxamed Xasan Isxaaq oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan Gobolka Gedo ayaa sheegay in Ciidamo badan oo Kenyaan ah ay dib ugu soo laabteen Gobolka Gedo.

waxaa uu sheegay in Ciidamadan ay rajo geliyeen Maamulka Gobolka Gedo, maadaama muddooyinkii dambe ay wadeen dib u gurasho.

Ciidamadan ayaa haatan dhaq dhaqaaq ciidan ka wada qeybo ka mid ah Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

Ilaa iyo hada majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha Kenya oo ku aadan dib ugu soo laabashada Degaanada ka tirsan Gobolka Gedo.