SAWIRRO:- Soomaaliya oo 34 sano kadib soo ceshatay xuquuqda codeynta ee urur caalami ah.

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknooloojiyada ayaa ka qeybgalaya shir-weynaha Ururka Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU) oo 9-kii Sebteembar ka furmay caasimadda dalka Argentina ee Buenos Aires, ka dib markii wasaaraddu ku guuleysatay inay dib u soo ceshato xubinnimada buuxda ee ururkaas oo maqneyd tan iyo 1983-dii, kolkaas oo ay joogsatay bixinta qaaraanka sanadlaha ah.

Qaaraanka lagu yeeshay Wasaaradda muddadaas wuxuu gaarayay in ku dhow 2 milyan iyo bar, taas oo sababtay in wixii markaas ka dambeeyay ay Wasaaraddu si kor-joogto ah kaga qeybgasho shirarka, iyada oo aan lahayn wax cod ah.

Hase yeeshee, dadaal ay mas’uuliyiinta Wasaaraddu bixiyeen bilihii u dambeeyay waxaa lagu guuleystay in Soomaaliya laga cafiyo lacag ku dhow 1 milyan iyo bar doolar, waxaana la dajiyay qorshe soconaya muddo sanado ah oo lagu bixinayo baaqiga, iyadoo qeybtii 1aad oo dhan in ku dhow 80 kun doolar ay Wasaaraddu bixisay dhammaadka bishii hore.

Wasiir Cabdi Cashuur oo ka hadlayay shirkaas ayaa sheegay in xubinnimada ITU ay Wasaaradda ka caawin doonto sidii ay dib ugu heli lahayd adeegyada ay wasaaradaha dalalka caalamku ay ku leeyihiin ururkaas. Wuxuu sidoo kale sheegay in tallaabadani ay fududeyn doonto sidii ITU ay dalka Soomaaliya uga kaalmeyn lahayd dhismaha kaabayaasha isgaarsiinta dalka oo aysan shirkaduhu si gooni gooni ah u maalgashan karin.

“Sharaf bay noo tahay inaan dib u soo ceshanay xubinnimada buuxda ee ITU-da. Ma dooneyno inaan korjoogto kaliya ka noqono ururka ITU-da oo hawlo badan ay nooga xiran yihiin, inagoo awoodna inaan cod yeelano. Waxaan u mahadcelinayaa Ra’iisul Wasaaraha iyo ku-xigeenkiisa iyo shirkadaha isgaarsiinta iyo internetka Soomaaliya oo Wasaaradda ka caawiyay inay qaaraankaas bixiso, iyadoo nidaamka lagu bixinayo uu ahaa mid daahfuran,” ayuu Wasiirku intaasi raaciyay.

DHAMMAAD

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISMENT

LATEST NEWS

DHAGEYSO:- Abuukar Cumar Cadaan “Waxaa codsanaa in Duq Xasan Dahir Aweys la soo daayo”.
- Dec 11, 2017
Ganacsade Abuukar Cumar Cadaan oo ka mid ah Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa Wareysi gaar ah ...
SAWIRRO:- QM oo ka hadashay doorashooyinka 2020 ee Soomaaliya.
- Dec 11, 2017
Qaranada Midoobay ayaa ka hadashy dooraashooyinka 2020 ee lagu qaban doono Soomaaliya. Danjiraha QM ee ...
DHAGEYSO:- Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo oo safar shaqo ku aaday dalka Turkiga.
- Dec 11, 2017
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa umba-baxay magaalada Istanbuul ee dalka ...
DHAGEYSO: Wariye caan ahaa oo lagu dilay Qarax ka dhacay Muqdisho
- Dec 11, 2017
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay Qarax xoogan oo ka ...
DEG DEG: Qarax xoogan oo ka dhacay Magaalada Muqdisho
- Dec 11, 2017
Qarax Xoogan ayaa goordhow waxuu ka dhacay sida la sheegay Degmada Wadajir ee Magaalada ...