SAWIRRO:- Guddoomiye Thaabit oo kula dardaarmay Qurbo joogta dib u dhiska dalka.

0

Mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha dawladda ayaa ka qayb galay wajiga 3-aad ee ololaha aragti wadaagga hiigsiga caasimadda oo maamulka gobolka Banaadir soo qabanqaabiyay.

Qurbo joog Soomaaliyeed oo ka kala yimid qaar ka mid ah dalka dibadiisa ayaa ka qeyb galay wajiga saddexaad ee aragti wadaagga hiigsiga caasimadda, kaasi oo looga arrinsanayay arrimo badan oo ay ka midtahay horumarinta caasimadda iyo doorka ay ka qaadan karaan Qurbo joogto, laguna qabtay xarunta Aqalka Hoose ee Xamar.

Qaar ka mid ah qurbo joogta ka qeyb gashay kulanka oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan dadaallada uu maamulka Gobolka ugu jiro hiigsiga caasimadda, waxaana ay shacabka ka codsadeen in si wada jir ah loogu istaago ololaha aragti wadaaga hiigsiga caasimadda.

Madaxdii ka qeybgashay madasha ayaa xusay in bulshada looga baahanyahay inay talo ku yeeshaan qorshaha ay wadaan maamulka Gobolka.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed oo ka hadlay madasha hiigsiga caasimadda ayaa sheegay in Muqdisho ay ka muuqato yididiilo, loona baahanyahay guud ahaan bulshada inay u istaagto sidii ay talo ugu biirin lahayd qorshaha maamulka uu wado.

“Muqdisho waxaa ka muuqato rajo, waxaa ka muuqato Yididiilo, waxaan rabnaa inaan soo celino dhaqankii ceeshoo milix, hiigsiga aan rabno waa taas, waana gaari doonaa haddii uu Alle idmo, saaxiibada inooga yimid dalka dibadiisa waxaan rabnaa inay door ka qataan arritan” ayuu yiri Guddoomiye Thaabit.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Caasimadda ayaa waxa uu kula dardaarmay Qurba joogta in ay ka qeyb qaataan dhismaha magalada Muqdisho, madaama ay Muqdisho tahay magaalada Madaxda Soomaaliya.