DHAGEYSO : Xukuumada Soomaaliya ” “Qofna ka ogolaan mayno dhaliil dalka lagu duminayo”

0

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre ayaa xalay si dadban uga hadlay xiisada siyaasadeed ee dalka ka jirta, ka dib markii shalay Madaxda maamul goboleedyada Magaalada Kismaayo ay ka soo saareen War Murtiyeed culeys ku ah Dowladda Federaalka.

Ra’iisal Wasaaraha oo ka qayb galay munaasabad lagu xusayay Maalinta Calanka Soomaaliyeed 12-ka October, laguna soo bandhigayay Golaha Dhalinyarada Qaranka, ayaa wuxuu ka sheegay inaanan qofna laga ogolaan doonin dhaliil dalka lagu burburinayo.

Ra’iisal Wasaaraha, ayaa ku baaqay inaanan la ogolaan dhaliil ujeedo gaar ah laga leeyahay, laguna fushanayo dano qaasa, sida uu yiri.

Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa shacabka Soomaaliyeed ee niyad jabka ka muujiyay xaaladda dalka u sheegay in Madaxda maanta aanay ahayn sida kuwii hore oo kale.

“Waa dhamaatay waqtigii la niyad jabi jiray, madaxda idin hor-taagan ma ahan kuwaas, maalmo ayaa la qeylinaya ama buuq siyaasadeed ayaa la furayaa waxaa idin balan-qaadayaa in aan idinla mari doono illaa meesha ugu dambeysa” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.