DHAGEYSO:- Waxgaradka Qardho oo cambaareeyay shirkii Kismaayo kana soo horjeestay go’aanka ay Puntland ku wareejisay dekeda Boosaaso

0

Qaar ka mid ah Waxgaradka magaalada Qardho oo la hadlay Warbaahinta, ayaa kaso horjeestay go’aanka ay dawladu ugu wareejisay shirkadda DP WORLD Dekeda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

”Dekeda xilli baan Xoolaha ugu badan kala soo dagi jirnay, waxaan ku difaaci jirnay dalka, dawlad goboleedka Puntland baan wax kaga dhisnay, Cabdiweli markaa Maraykanka ayuu joogay, dalkana cidi hoosteed kuma darsan waagii dhibtu jirtay, wuxuu noo yimi markaan barwaaqownay, wuxuu nagu yiri Odayaal maaha laakiin annagaa garanayna waxaan nahay” Sidaa waxaa yiri Khadar oo ka mid ah Waxgaradka.

Wuxuu intaas ku daray”Dekeda dadka lagu wareejinayo oo Imaaraatku maamulayo waa Malab sun lagu daray, haddii Malab sun laguugu daro waa ku dhimanaysaa”.

Axmed Cabdi Raxmaan Yuusuf oo ka mid ahaa Waxgaradka ka hadlay Dekeda, ayaa sheegay in heshiisku uu cawaaqib xumo keeni karo.

”Ma diidanin hormarka iyo balaarinta Dekeda, laakiin Dekedu ma aha mid Ummadda ay maslaxad ugu jirto, haddii Deked cusub Imaaraatku uu dhisayo waa soo dhoweyn lahayn, lana dayn lahaa midii aan ku badbaadnay 30-kii sano ee tagay” Ayuu yiri Axmed Cabdi Raxmaan oo intaas ku daray….”Waxaan leeyahay shacabka iyo ciidamada wax bari carruurtiina cawaaqib xumo ah innaad dadka ku khasabtaan sax ma aha, waxaan leeyahay isku meel aan uga soo horjeensano”.

HOOS KA DHAGEYSO