DHAGEYSO:- Waa muhiim inaad fahamto ahmiyadda uu calanka Soomaaliya leeyahay.

1

12-kii October sanadkii 1954-tii ayeey aheyd markii ugu horreeysay ee la saaray Calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya, hasa yeeshee Calanka Buluugga ah ee u eg samada xiddigta Shanta geesoodka ahna ku leh bartamaha waa Calanka kaliya ee loo aqoonsanyahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaalia, waxaana iminka ka soo wareegtay 63 sano.

Calankan Buluugga ah ee xiddigta ku leh bartamaha ayaa ah kan caalamka oo dhan noo aqoonsanyahay, waana mid sharaf iyo maamuus ku leh qof kasta oo muwaadin Soomaali ah, waxaana loo soo maray halgan adag oo dhiig farabadan ku daatay, qiimaha, ixtiraamka, karaamada iyo jaceylka ay u qabaan ummadda Soomaaliyeed Calankeenna suubban darteed markii la garaaco Musigga astaanta u ah Calanka dadkoo dhan wey sara kacaan iyagoo taagnaada ilaa uu dhamaado muusigga astaanta Calanka.

Warbixinta waxaa diyaariyay madaxa Barnaanijyada ee Idaacada Qaranka Cabdirisaaq Maxamed Faarax “Shiine”.

 

 

HOOS KA DHAGEYSO

Comments are closed.