DEG DEG: Qarax Xoogan oo Ciidamada Kenya lagu eegtay Magaalada Lamu

0

Qaraxan oo ahaa mid xoogan, kana dhashay miinada nuuca dhulka lagu aaso ah ayaa lagu soo waramayaa in lagu beegsaday Kolonyo ay wateen Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya.

Saraakiisha Booliska Kenya ayaa sheegay in Qaraxan uu ka dhacay Magaalada Lamu ee Dalka Kenya xili Ciidamada Kenya ay wadeen howlgallo roondo ah.

Waxaa ay sheegeen ku dhawaad 10 ka mid ah Ciidamada Booliska Kenya ay ka badbaadeen Qaraxaasi.

Weli lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay Qaraxan ka dhacay Dalka Kenya.

Ilaa iyo hada majirto cid sheegatay mas’uuliyada Qaraxaasi ka dhacay Magaalada Lamu, balse weerarada nuucan ayaa inta adan waxaa sheegta Xarakada Al Shabaab.